“Man City Ma Reebi Doonto Real Madrid Haddii……” Pep Guardiola Oo Shuruud Ku Xidhay Inay Champions League Ka Cidhib Tiraan Los Blancos

Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa shaaca ka qaaday waxa ay u baahan tahay kooxdiisu inay samayso si ay uga gudubto kooxda ree Spain ee Real Madrid oo uu hore boqorrada Champions League ugu sifeeyay.

Manchester City ayaa kulankii lugta hore ee Santiago Bernabeu ka dhacay 1-2 kaga soo adkaaday xiddigaha uu hormoodka u yahay tababare Zinadine Zidane balse wali shaqo badan ayaa ugu taala Etihad Stadium.

Guardiola ayaa aaminsan in kulan lamid ah midka ay la yeelan doonaan Real Madrid oo kale taatikooyinka lagu kala adkaado ay ka muhiimsan tahay gaajada iyo baahida ay kooxdu u qabto inay guul gaadho kulankaas isagoo xusay inay hadhi doonaan haddii aysan baahi muujin.

Pep ayaa yidhi “Haddii aysan lahayn (Baahi) kaddib dhibaato ayaa naga haysan doonta dareenka ah in aanaan gudbi doonin”

“Iyagu (Xiddigaha Man City) way garanayaan Real Madrid wayna garanayaan dhammaan tayada ay ku leeyihiin dhammaan qaybaha”

“Iyagu halkaas ayay fadhiyeen iyaga oo daawanayay Final-adii ugu dambeeyay ee Champions League Real Madrid ayaana halkaas joogtay, iyagu way og yihiin sidaas darteed muhiim ah in loo sheego wax khaas ah”

“Wax yar ayaanu ka hadli doonaa wax ku saabsan waxa aanu qabanayno kulankan, laakiin maaha wax gaar ah marka lala bar-bardhigo wixii aanu soo samaynay xilli ciyaareedkan”

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.