Magacyada SADDEXDA Xiddig Ee PSG Ka Maqnaan Doona Kulanka Man United & Red Devils Oo War Weyn Helay

Kooxda Manchester United ayaa helaysa war u wanaagsan kaddib markii si rasmi ah meesha looga saaray fursada saddex xiddig oo Paris Saint-Germain ahi ay kaga qayb galayaan kulanka UEFA Champions League ee ay dhawaan booqanayaan kooxda ree France.

Saddexdaas ciyaaryahan ayaa kala ah Marco Verratti, Mauro Icardo iyo waliba daafaca midig ee Thilo Kehrer oo dhammaantood muhiim ka ahaa shaxda kooxdaas.

Veratti ayaa ku maqnaanaya dhaawac kubka ah oo gaadhay intii uu ku maqnaa waajibaadka qarankiisa Talyaaniga halka Icardi uu wali ku jiro kasoo kabashada dhaawac jilibka ka haleelay.

Labada ciyaaryahan ayaa muhiim usoo ahaa Paris xilli ciyaareedkii hore markii ay gaadheen Final-ka Champions League waxaana ay seegayaan ciyaarta ay Salaasasa,

Dhinaca kale tababare Thomas Tuchel oo ka hadlay xaalada Kehrer shalay ayaa sheegay inuu da’yarka ree Germany dhawr toddobaad maqnaan doono.

Si kastaba, Man United ayay u taalaa shaqo adag oo ah inay ugu horreynba ka baxdo Group-keeda oo ah mid adag kaas oo marka laga yimaado PSG ay kula midaysan yihiin RB Leipzig iyo Istanbuk Basaksehir.

Red Devils ayaa qaab liidata ku bilawday horyaalka xilli ciyaareedkan iyagoo soo guuldarraystay laba kamida saddexdii kulan furitaan ee ay kasoo ciyaareen horyaalka Premier League.

Xiddigaha Ole Gunnar Solskjaer ayaa caawa booqanaysa gegida St James’ Park oo ay ugu tagayaan Newcastle United oo xilli ciyaareedkii hore halkaas kusoo garaacday.

 

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.