Macquul Ma Tahay In Messi Heshiis Cusub Saxeexo Oo Uu Barcelona Sii Joogo? Saaxiibkii Luis Suarez Oo Shuruuda Ku Xidhan Toos U Tilmaamay

Weeraryahanka cusub ee kooxda Atletico Madrid ahna ciyaaryahankii hore ee Barcelona ee Luis Suarez ayaa ka hadlay waxa sababi kara in saaxiibkiisii Barca ee Lionel Messi koox kale ku biiro amaba inuu sii joogo oo uu heshiiska u kordhiyo kooxdiisa haatan.

Waraysi uu siiyay wargeyska ESPN gaar ahaan saxafi Pollo Vignolo ayuu Suarez ku sheegay in qaabka kaliya ee uu Lionel Messi baaqiga ugu sii ahaan karo Barcelona ay tahay in boodh cusubi ay kooxda qabtaan oo kuwa hadda jooga meesha ka baxaan.

Messi to join Suarez at Atletico Madrid? Barcelona star urged to 'come home for Christmas' - Republic World

Dhinaca kale Suarez ayaa sheegay inuu Messi doonayay inuu kooxda iskaga tago suuqii xagaaga isla markaana ay macquul tahay inuu koox kale u ciyaaraa.

Sidoo kale Luisito ayaa gantaal ku ganay madaxda sarre ee Barca ee qaabka foosha xun uga diray kooxda isaga oo sheegay in malaha sababta ay u doonayeen inuu baxo ay tahay inuu saaxiib dhaw la ahaa Messi.

“Waxaan filayaa inay doonayeen inay iga kaxeeyaan Messi, malaha way ka cadhaysiisay inaan xidhiidh wanaagsan la lahaa Leo, malaha waxa ay doonayeen in isagu aniga la’aantay ahaado, ma arko wax sababo ah oo ay iyagu ugu fikirayaan inaan anigu kooxda dhaawacayo”

“Isagu waxa uu doonayay inuu tago kooxduna ma aysan doonayn in isagu tago, waxaan isku dayay inaan isaga taageero, inaan daryeelo iyo inaan isaga ka jeediyo (Saxaafada), kaamerooyinka ayaa isaga daba socday, waxay ahayd mid adag waxayna ahayd inaan caawiyo”

“Malaha Messi wuu u ciyaari karaa koox kale laakiin haddii ay raaxo tahay markale oo uu faraxsan yahay oo boodh kale ay yimaadaan waxa uu dooni doonaa inuu kooxda sii joogo”

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.