Ma Naxayso!! – Saaxiibada Xiddiga Man City Ee Zinchenko Oo Pep Guardiola Runta Farta Ka Saartay & Hadalo Xoogan Oo Ay Hawada U Marisay

Saaxiibta daafaca bidix ee kooxda Manchester City Oleksandr Zinchenko oo lagu magacaabo Vlada Sedan ayaa erayo xoogan u adeegsatay tababaraha kooxdaas ee Pep Guardiola kaas oo ay dusha uga tuurtay eeda guuldarradii ay kaga hadheen Champions League.

Vlada Sedan oo ah saxafiyad kubadda cagta ka faaloota ayaa ku biirtay liiska dadka Guardiola ku eedaynayay inay Sky Blues Champions League kaga hadhaan guuldarro lama filaan ah oo 3-1 ah oo ay kala kulmeen kooxda Lyon.

Manchester City full back Oleksandr Zinchenko wildly celebrates ...

Guardiola ayaa ahaa mid markasta si xoogan loogu eedeeyo inuu fikir xad dhaaf ah sameeyo kahor inta uusan soo xulan shaxdiisa kulamada muhiimka ah ee ay Champions League kooxdiisu ka ciyaarayso.

Go’aankii Guardiola ee ahaa inuu saddex daafac dhexe kusoo galo kulankaas kuna soo daro laba khad dhexe dambeed oo kala ahaa Gundogan iyo Rodri ayaa dib u ugaadhsaday kooxdiisa.

Haddaba, Vlada Sedan oo aragti ku dhiibanaysay barteeda Youtube ayaa sheegtay inay suurogal tahay inaysan wax xuquuq ah u lahayn ka hadalka arrintaas balse si cadaan ah u sheegtay in City ay ku hadhay qaladka Pep Guardiola.

“Laga yaabaa in aanan xaq u lahayn inaan sidan idhaahdo, laga yaabaa in Zinchenko uu iga mamnuuci doono laakiin si aan ugu sheego si sahlan oo aanan u dhaaran, tani gabi ahaanba waa qaladka Guardiola” ayay yidhi Vlada Sedan.

“In wakhti sidaas u muhiim ah Man City loo sameeyo taatiko tijaabo ah waa wax laga xanaaqo, anigu wax xaq ah uma lihi inaan eedeeyo laakiin sababma ayuu ugu ciyaarayaa saddex daafac dhexe”

“Anigu si fudud ma hayo wax aan idhaahdo, sababtoo ah inaad lasoo gasho shax sidaas ah…..eeg ciyaaryahanada u ciyaara Man City, ala maxay ciyaartoy fiican kursiga keydka ku haystaan, caadi ahaan kooxo yar oo dunida ah ayaa ka sarreyn karaa xiddigahaas keydka u fadhiya”

Hadalka saaxiibta Zinchenko ayaa laga dhadhsan karaa inay ka cadhaysan tahay in Guardiola uusan ka wada faa’idaysan tayada xiddigaha uu ku haysto kooxda.

 

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.