Maba Naxayo!! Maxaa Kala Qabsaday Virgil Van Dijk Iyo Carruur 8 Jirro Taageere U Ah Everton Oo Waraysi Ka Qaaday?

Difaaca Liverpool ee Virgil van Dijk ayaa ka naxsaday, mawduucana ka lumiyey carruurta siddeed jirrada ee Merseyside, kuwaas oo waraysi la yeelanayay.

Van Dijk ayaa carruurta yaryar kala wareegay su’aalihii lagu weydiinayay waraysiga, waxaanu mar kaliya isku beddelay qofkii wax waraysanayay, halka yaryarkiina uu ku jahowareeriyey su’aalo ay isaga hore u weydiiyeen oo uu ku celiyey.

29 jirkan oo Liverpool ka caawiyey inay ku guuleysato horyaalka Premier League markii ugu horreysay muddo soddon sannadood ah iyo tartanka Champions League oo ay 2005 ugu dambaysay ayaa waxa loo soo ururiyey carruurta da’yarta ah kaddib guushii Champions League ee xagaagii hore.

Carruurtan oo ku jirta kulliyadaha labada kooxood ee Liverpool iyo Everton, ayaa kala taageersanaa labada kooxood, laakiin qorshaha loogu keenay Van Dijk ayaa ahaa inuu dhiirigeliyo, isla markaana ay u noqoto kalsooni dhis.

8 jirradan oo qaabka wariyeyaasha su’aalo u weydiinaya Van Dijk, ayaa waxa ugu horreyn difaaca Liverpool la weydiiyey: “Miyaad faraxsanayd?”, taas oo ujeeddadeedu ahayd sidii uu ugu farxay guushii Champions League ee sannadkii hore, laakiin Van Dijk ayaa su’aashan waxa uu ka bixiyey jawaab uu dib ugu weeraray yaryarka.

“Anigu aad ayaan u faraxsanaa.” Ayuu si kooban u yidhi Van Dijk, waxaanu canuggii yaraa dib ugu celiyey: “Adigu miyaanad aad u faraxsanayn?”

Ilmihii yaraa ayaa ku dhiirran waayay inuu u jawaabo, isla markaana ka yara gaabsaday, waxaana hadalka sii watay Van Dijk oo mar kale yidhi: “Ma waxaad taageertaa Everton? Way adag tahay markaa jawaabtu, sow maaha? Waa qasab inay adkaato.”

Van Dijk ayaa markii dambe kaftan iyo qosol la wadaagay yaryarka, waxaanu waraysiga iyo su’aalo weydiintu dhamaadeen iyagoo wada qoslaya oo uu difaaca Liverpool u muuqday inuu si fiican ugu sheekeeyey yaryarka.

Dhinaca Virgil van Dijk ayaa noqday difaaca ugu qiimaha badan adduunka, waxaanu ka sarreeyaa Alexandere-Arnold oo kaalinta labaad soo galay, halka Matthijs de Ligt oo Juventus ah uu saddexaad soo cidhiidhsaday.

Halkan kaga bogo difaacyada ugu qiimaha badan 

1. Virgil van Dijk (Liverpool) – £90 million

2. Trent Alexander-Arnold (Liverpool) – £72 million

3. Matthijs de Ligt (Juventus) – £67.5 million

4. Aymeric Laporte (Manchester City) – £67.5 million

5. Kalidou Koulibaly (Napoli) – £67.5 million

6. Lucas Hernandez (Bayern Munich) – £63 million

7. Jose Gimenez (Atletico Madrid) – £63 million

8. Harry Maguire (Manchester United) – £63 million

9. Raphael Varane (Real Madrid) – £63 million

10. Joshua Kimmich (Bayern Munich) – £63 million

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.