Maalmo Kahor Kulanka Man City, Eden Hazard Oo Qirtay Inuusan Gool Dhaliye Buuxa Ahayn & Waxa Uu Doorbidayo Oo Uu Sheegay

Xiddigaha kooxda Real Madrid ayaa u warramayay xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA maalmo kahor kulanka muhiimka ah ee ay Manchester City ku booqanayaan Etihad Stadium waxaana kamid ah ciyaaryahanadaas Eden Hazard.

Xiddiga ree Belgium oo qaadanaya xilli ciyaareedkii ugu xumaa waayihiisa ciyaareed ayaa la filayaa inuu noqon doono hubka uu Zinadine Zidane kulankaas ku shirtago.

Eden Hazard on Real Madrid past and present | UEFA Champions ...

Tababare Zidane ayaa saddexleyda weerar ee kooxdiisa la filayaa inuu u adeegsan doono Marco Asensio, Karim Benzema iyo Hazard qudhiisa haddiiba aysan wax isbedelo ah oo lama filaani dhicin.

Eden Hazard oo hore loogu dhaliili jiray inuusan gool dhalinta ku fiicnayn ayaa la waydiiyay midka uu doorbidi lahaa inuu gool dhaliyo iyo inuu caawin sameeyo isaga oo sharaxaad cajiib ah bixiyay.

29 sano jirkan ayaa sheegay inuusan ahayn mid ku waalan gool dhalinta sida ciyaaryahanada qaar balse uu yahay mid jecel inuu gool caawin sameeyo in ka badan inta uu doonayo inuu dhaliyo.

“Maskaxdayda dhexdeeda anigu kaliya kama fikirayo dhalinta goolal, gool dhalin, gool dhalin” ayuu hadalkiisa ku bilaabay xiddigii hore ee kooxaha Chelsea iyo Lille.

“Ciyaaryahanada qaarkood hadda waxa ay kaliya ka fikiraan inay goolal dhaliyaan, aniguna? waxaan in badan ahay nooca ciyaaryahan ee wax abuuri kara, taasi waa sababta aan u jecelahay inaan idhaahdo inaan in ka badan mashiin gool dhalineed ahay nin caawin sameeya”

“Anigu waxaan doorbidayaa inaan goolal caawiyo laakiin sidoo kale waan jeclahay dareenka ah marka aad gool qurxoon dhaliso daqiiqada ugu dambaysa ee aad kulanka ku guuleysato dhammaadka”

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.