Maaha Telles Iyo Cavani!! Xiddiga Ay Man United La Saxeexatay Maalintii Ugu Dambaysay Suuqa Ee Ay Aadka Ula Dhacsan Tahay Oo La Ogaaday

Kooxda Manchester United ayaan awood u yeelan markale inay suuqii xidhmay sida ugu wanaagsan shaqadeeda uga soo qabsato balse taas bedelkeeda samaysay afar saxeex maalintii ugu dambaysay ee suuqa kala iibsiga.

United ayaa maalintaas lasoo wareegtay afarta ciyaaryahan ee kala ah Edinson Cavani, Alex Telles, Pellistri iyo Amad Traore iyagoo hore suuqa dhexdiisa u keensaday Donny Van De Beek oo dhinaca kooxda ree Holland ee Ajax kaga yimid.

Cavani iyo Telles ayaa iyagu toos uga qayb noqon doona kooxda waaweyn ee Manchester United, Pellistri ayaa fursado heli kara halka Amad Traore uu ilaa bisha January soo joogi doono kooxda uu ka tirsan yahay ee Atlanta.

Sida ay sheegayaan warbixino hadda la helayaa, saxeex ay Red Devils gaar ahaan ula dhacsan yihiin ayaa ah Amad Traore oo uu tababare Ole Gunnar Solskjaer muuqaal toos ah kula sheekaystay kahor inta aysan la saxeexan.

Solskjaer ayuu saxafiga caanka ah ee Fabrizio Romano xusayaa inuu u sheegay inuu qayb ka yahay mustaqbalka Manchester United,

Red Devils ayaa Traore kasoo bixiyay lacag 18 Milyan oo Pound ah oo lagu daray gunnooyin shuruudo ku xidhnaan doona iyagoo January ka heli doona Atlanta.

Kabtanka kooxda Atlanta ee Papu Gomez ayaa hore amaan ugu qubeeyay 18 sano jirka cusub ee Man United isaga oo ku sifeeyay inuu yahay sida Lionel Messi oo kale.

“Isagu waa ciyaaryahan mustaqbalka ah, i aamina, inta ay socdaan tababaradayadu waxa uu u muuqdaa Messi, ma joojin kartid, isagu waa mid aan caadi ahayn, daafacyadayada dhexe dhibaato dhab ah ayay ku dhex jiraan marka uu Traore garoonka ku jiro”

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.