Maaha Messi, Greizmann & Suarez! – Xiddig Barcelona Ah Oo Ay Adagtahay In La Aamino Oo Ah Gool Dhaliyaha Ugu Fiican La Liga Xilli Ciyaareedkan

Kooxda Barcelona ayaa xalay guul kale oo muhiim ah kasoo gaadhay kooxda Real Valladolid ciyaar adag oo 1-0 lagu kala baxay isla markaana ay kooxda martida ahayd goolka kaliya ka heshay khadka dhexe ee kooxdeeda ee Arturo Vidal.

Guushaas ayaa ka dhigan in Barcelona ay kaliya hal dhibic ka dambayso kooxda booska koowaad ee Real Madrid oo iyadu kulankeedii usbuucan aan weli ciyaarin.

Vidal

Goolka uu kulankaas kasoo dhaliyay ayaa mid xog cajiib ah uu ku helay u noqday khadka dhexe ee ree Chile ee Arturo Vidal isagoo boos wanaagsan ka galay xogaha horyaalka La Liga ee ilaa haatan xilli ciyaareedkan laga diiwaan geliyay.

Goolkaas ayaa ahaa midkii 8-aad ee uu xilli ciyaareedkan Arturo kasoo dhaliyay horyaalka La Liga, xilli ciyaareedkiisii uu ugu goolasha badnaa ayaa ahaa midkii 2013-14 markaas oo uu 11 gool usoo dhaliyay Juventus.

Xaqiiqada ah inuu Vidal siddeedaas gool ku dhaliyay kaddib kaliya 20 shuud (Darbo) oo uu xilli ciyaareedka oo dhan laagay ayaa ah mid cajiib ka dhigaysa gool dhalintiisa.

Vidal ayaa sidaas ku ah gool dhaliyaha ugu faa’idada badan horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan maadaama oo uu 34.8% gool ka dhigay darbadaha uu goolka ku laagay.

Sidoo kale Vidal ayaa ah gool dhaliyaha afraad ee xilli ciyaareedkan ugu goolasha badan Barca kulamada horyaalka waxaana uu kaliya ka dambeeyaa Lionel Messi oo guud ahaan horyaalka hoggaaminaya, Luis Suarez iyo Antoine Greizmann.

Xilli ciyaareedkii 2017-18 ayay ahayd markii ugu dambaysay ee uu khad dhexe Barcelona usoo dhaliyo siddeed gool horyaalka waxaana sidaas soo sameeyay Paulinho oo ugu dambayn horyaalka Chinese Super League ka xaadiray.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.