Ma Rumaysan Karaan Jamaahiirta Liverpool & Arsenal, Gary Neville Oo Saadaaliyay Afarta Kooxood Ee Kaalmaha Sare Ku Dhamaysan Doona Premir League.

Khabiirka kubbada cagta ahna halyaygii Manchester United ee Gary Neville ayaa saadaaliyay afarta kooxood ee kaalmaha ugu sareeya ku dhamaysan doona xili ciyaareedka cusub ee Premier League.

Kooxaha Premier league ee Chelsea iyo Arsenal ayaa ilaa hadda ah labada kooxood ee diyaar garowga ugu badan ugu jira xili ciyaareedka cusub waxaana la filayaa in waqtiyada soo socda ay kooxaha oo dhami dadaal badan ku bixin doonaan suuqa kala iibsiga.

Gary Neville ayaa lagu eedeeyay in uu sameeyay saadaalin aan xaqiiqda ku salaysnayn balse ay ku jirto rajo ah in Man United ay xili ciyaareedka cusub horumar ka samayn karto kaalmihii ay xili ciyaareedyadii la soo dhaafay ku soo jirtay.

Gary Neville ayaa saadaaliyay in kooxda koobka Premeir league difaacanaysa ee Liverpool ay kaalinta saddexaad kaga dhamaysan doonto horyaalka ay koobkiisa difaacanayso xili ciyaareedka cusub.

Gary Neville waxa uu kaalinta kowaad ee miiska kala saraynta xili ciyaareedka cusub ee Premier League uu u saadaaliyay kooxda Guardiola ee Manchester City.

Laakiin waxaa dad badan qariib ku noqotay in Gary Neville uu saadaaliyay in Man United ay kaalinta labaad xili ciyaareedka cusub kaga dhamaysan doonto Premeir league inkasta oo Liverpool iyo Man City loo arko labada kooxood ee ilaa hadda safka ugu horeeya ku jira.

Dhinaca kale Gary Neville waxa uu saadaaliyay in kooxda Mike Arteta ee Arsenal ay markale ka sii maqnaan doonaan kaalmaha sare ee Premeir League isla markaana ayna ku soo bixi doonin kaalmaha Champions league.

Laakiin Gary Neville ayaa saadaasha uu bixiyay waxa uu ku sheegay in Jose Mourinho aanu ka soo muuqan doonin kaalmaha sare isla markaana ay kooxdiisa Tottenham markale seegi doonto Champions League.

Laakiin Gary Neville ayaa ku dooday in ay seegi karto afarta sare wuxuuna sababta ka dhigay in ay dhibaato wayn kala kulmi doonaan goolhaye Kepa Arrizabalaga inkasta oo ay Blues suuqa ugu jirto goolhaye cusub.

Waxa kale oo uu Gary Neville ku dooday in si ay Man United koobka Premier league si dhab ah ugu tartami karto in ay marka hore waajib ku tahay in ay la soo saxiixdaan difaac dhexe oo heer caalami ah iyo afar ciyaartoy oo kale.

Gary Neville ayaa saadaashiisa xili ciyaareedka cusub ee Premier League ku yidhi: “Waxaan saadaalinayaa inay horyaalka qaadi doonto Man City, waxaa ku xigi doonta Man United, ka dib Liverpool ka dibna Chelsea, balse taasi rajo ayay iga tahay halkii ay ka ahaan laheyd mid ku saleysan xaqiiq.”

Saadaasha Gary Neville ee Afarta Kaalmood ee Premier League Ugu Sareeya ee xili ciyaareedka cusub

1. Manchester City

2. Manchester United

3. Liverpool

4. Chelsea

Haddaba akhriste, miyaad Gary Neville ku raacsan tahay in kala saraynta maalinta xili ciyaareedka Premeir League ugu danbaysaa ay sidan noqon karto?

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

48 Comments

  1. Aniga xadan ka hadlo fikirkeege ku aadan horyalka kala horeenta iyo cidee qaadi lahayd
    1.Man City
    2.Liverpool
    3.Chelsea
    4Arsenal

  2. Aniga wxy ila tahay in Top 6 uu noqon doono sidan

    1 Manchester city
    2 Chelsea
    3 Arsenal
    4 Liverpool
    5 Manchester United
    6 Everton

  3. Aniga ahaan waxay ila tahay Top 10
    Inuu noqon doono sidan

    1: Manchester city
    2: Chelsea
    3: Arsenal
    4: Liverpool
    5: Manchester United
    6: Everton
    7: Tottenham
    8: Leeds United
    9: wolverhamton wonders
    10: Leicester city

  4. Ani waxaan fami waayay siduu qofka jecelyahay Miyaa ah argti iyo feker mise waakala labo San jeclahay iyo fekerka waxaa. Layaabay ninka lasoo Indha cad arsenal iyo united ayaa qadaa eplk ma siduu rabo inay wax udhacaan ayuu noosheegaya mise saadaalin ayuu wadaa

  5. Garry navile kuma raacsani anigu fikradan waayo waa taageero Man United ah una Soo ciyaaray kooxdaa, Anigu waxan aaminsanahy Liverpool inay koobka qaadayso markii labaad oo xidhiidha ah kaalinta labaad Arsenal kaalinta Saddexaad Man City kaalinta Afraad Chelsea

Leave a Reply

Your email address will not be published.