Heshiisyadii Saacadihii Ugu Danbeeyay La Dhamaystiray Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Ay Caawa Suuqa Ka Qoreen Wargaysyada Yurub.

Habeen wanaagsan ama waqti kasta oo aad joogtaan oo wanaagsan akhristayaasha sharafta iyo xushmada naga mudanow kuna soo dhawaada wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee ay caawa qoreen wargaysyada yurub.

Xili ciyaareedka cusub ee 2020/2021 ayaa soo dhawaanaya iyada oo ayna kooxuhu heli doonin waqti badan oo ay ku diyaar garoobaan kadib in saamayntii karoona ay keentay in labada xili ciyaareed laysku daba qaban doono.

Kooxaha Yurub ayaa dadaal wayn ugu jira in ay saxiixyo cusub kooxahooda ku soo xoojiyaan inta ayna bilaaban xili ciyaareedka cusub waxaana haddaba jira kooxo suuqa si toos ah ugu jira.

Haddaba sidii aad nooga barateen waxaanu halkan idiinku soo koobaynaa wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee ay caawa wargaysyada yurub qoreen halkan ayaanad kaga bogan kartaa.

Heshiisyada Saacadihii Ugu Danbeeyay Sida Rasmiga Ah Loogu Dhawaaqay

RASMI: Arsenal ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay  in ay heshiisyo rasmi ah ka saxiixatay labada ciyaartoy ee amaahda kula joogay ee Pablo Marí iyo Cédric Soares kuwaas oo hadda si rasmi ah u noqday ciyaartoy Gunners ah.

RASMI: Kooxda Newcastle United ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay heshiis rasmi ah kula soo wareegtay xidigii kooxda Bunrley ee Jeff Hendrick kaas oo ay waliba ku heshay bayca xorta ah.

RASMI: Kooxda Leicester City ayaa heshiis cusub ku abaal marisay xidiga khadka dhexe ee Nampalys Mendy oo kooxdeeda muhiim ka soo ahaa xili ciyaareedkii soo dhamaaday wuxuuna qalinka ku duugay qandaraas kooxda ku sii hayn doona ilaa June 2022.

RASMI: Dhinaca kooxda Leicester City ayaa si buuxda ugu quus goysay Manchester United kadib markii ay si rasmi ah ugu dhawaaqday heshiis waqti dheer ah oo ay ka saxiixatay xidiga khadka dhexe ah ee James Maddison kaas oo saxiixay heshiis cusub oo dhacaya 2024. James Maddison waxa uu go’aan ku gaadhay in 4 sanadood oo kale uu sii joogo King Power Stadium.

Manchester United ayaa isku diyaarinaysa in ay bixiso lacagta lagu burburin karo heshiiska da’yarka kooxda Barcelona ee  Ansu Fati kaas oo qandaraaskiisa Camp Nou lagu burburin karo  £153m. Man United waxay Fati u calaamadsatay xidiga ay ku badalan lahayd Jadon Sancho oo Dortmund ay meel adag iska taagtay. (Mundo Deportivo)

Chelsea ayaa xiisaynaya goolhayaha kooxda Lille ee Mike Maignan. Maamulka Blues ayaa 25 sano jirkan waxay u calaamadaseen badalka Kepa Arizzabalaga laakiin Blues ayaan wali dalab rasmi ah ka gudbin Maignan. Kooxda Lille ayaa Maignan ku qiimaysa 30 milyan yuro (Sky Sports)

Tababaraha Barcelona ee Ronald Koeman ayaa go’aan ku gaadhay in la kansalo heshiiska Luis Suarez oo si xor ah lagu diro xidiga reer Uruguay waxayna Barcelona la kulmaysaa garyaqaanka Luis Suarez inta lagu jiro saacadaha soo socda si looga wada hadlo kansalaada heshiiska Suarez. ( RAC1)

Kooxaha Chelsea iyo Bayer Leverkusen ayaa heshiis buuxa ka gaadhay da’yarka Kai Havertz kaas oo Blues ugu soo wareegaya heshiis shan sanadood ah oo ay ka soo bixinayaan €80 milyan yuro iyo €20 milyan ku xidhnaan doona waxyaabaha uu Stamford Bridge kula gaadhi doono Chelsea. (Fabrizio Romano)

Xidiga kooxda Arsenal ee Ainsley Maitland-Niles ayaa wada xaajood horumar laga sameeyay kula jira kooxda Wolves wuxuuna saxiixi doonaa heshiis 4 sano ah iyada oo Gunners xidigan ku iibinaysa 20 milyan (Sky Sports)

Chelsea ayaa qarka u saaran in ay si rasmi ah u dhamaystirto difaaca kulankiisii ugu danbeeyay ee PSG ciyaaray finalka Champions League ee Thiago Silva kaas oo si xor ah ugu soo wareegaya Boues wuxuuna saxiixi doonaa heshiis hal sano ah.(The Atletic)

Gabriel Magalhães ayaa tijaabada caafimaadka Arsneal maraya wuxuuna Arsenal ugu soo biirayaa heshiis waqti dheer ah iyada oo Gunners ka bixinaysa 26 milyan yuro iyo 4 milyan oo wax qabadkiisa Gunners ku xidhnaan doonta. Kadib waxa uu Gabriel galayaa go’doonka karoona fayras. (The Athletic)

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa ku dhaw in uu qalinka si rasmi ah ugu duugo heshiis saddex sanadood ah oo uu Gunners ku sii joogi doono kadib waqti dheer oo ay hubanti la’aani ku jirtay mustaqbalkiisa Emirates Stadium (Sky Sports News)

Kooxda PSG ayaa loo soo bandhigay saxiixa difaaca Arsenal ee Hector Bellerin laakiin ma kala cada haddii wakiilkiisu u soo bandhigay iyo haddii uu yahay rabitaan ka yimid maamulka Gunners. (Les Parisiens)

Tababaraha cusub ee kooxda Juventus ee Andrea Pirlo ayaa markii ugu horaysay bixiyay tababarkii kooxdiisa Juventus iyada oo Cristiano Ronaldo uu ka mid ahaa ciyaartoyda Juve ee tababarka iska soo xaadiriyay laakiin xidiga uu mustaqbalkiisu shakigu ku jiro ee Paulo Dybala iyo Matthijs de Ligt ayaa dhaawac ku seegay.

Chelsea ayaa heshiis laba sanadood ah oo afka ah la gaadhay difaaca kooxda PSG ee Thiago Silva kaas oo la filayo in uu Blues si xor ah ugu soo biiri doono. (Get French Football News)

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.