Liverpool Oo War Cusub Ka Helaysa Doonisteeda Thiago Alcantara & Talaabo Ay Bayern Munich Qaaday Oo Farxad U Ah

Kooxda Liverpool ayaa war wanaagsan ka helaysa xiisihii ay u muujinaysay khadka dhexe ee Bayern Munich ee Thiago Alcantara kaddib talaabooyin dhinaca suuqa ah oo ay samaysay kooxdiisu.

Warka u wanaagsan Reds ayaa ah inay Bayern Munich u muuqato koox xilli horeba iska dhiibtay fursad kasta oo ay kusii haysan karto Thiago oo heshiiskiisa uu hal sano oo kale ka hadhay.

Thiago Alcantara

Sida uu sheegayo wargeyska Le10Sport, Bayern Munich ayaa bar-tilmaameedyadeeda ugu sarreeya ka dhigatay xiddiga Chelsea amaahda ugaga maqan ee AS Monaco jooga ee Tiemoue Bakayoko iyo Tanguy Ndombele oo Tottenham baxsad ka ah.

Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa doonaya inuu safka kooxdiisa isbedel iyo xoojin ku sameeyo suuqa soo socda kaddib markii ay ku guuleysteen hanashada Premier League.

Klopp ayaa ka warqaba in kooxaha xifaaltanku ka dhexeeyo ee ay horyaalka ku tartamayaan ay si xoogan suuqa lacago u gelin doonaan xilli ay dhawaan saxeexa Timo Werner u waayeen kooxda Chelsea.

Inuu safkiisa ku horumariyo lacagaha macquulka ah ee ay haysato kooxdiisu ayaa ahayd wax adag ilaa uu Thiago Alcantara noqday bar-tilmaameed macquul ah.

29 sano jirka heer caalami ee xulka Spain ayaa doonaya loolan iyo horyaal cusub waxaana uu aaminsan yahay in Liverpool ay tahay dookh wanaagsan.

Imaatinka Thiago ayaa sidoo kale ka dhignaan doonta in Klopp uu meel horumar u baahnayd horumar ka sameeyay oo uu khadkiisa dhexe ee hal-abuur la’aanta lagu eedeeyo hal-abuur fiican keenay.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.