Liverpool Oo PSG Ku Garaacay Xiddig Muhiim Ah, Arsenal Oo Shiishka Saartay Zaha, Origi Oo Sii Socda Iyo Wararkii U Dambeeyey Suuqa

Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu. Idilkiinba salaan dhamaan akhristayaasha sharaftalahow kuna soo dhawaada barnaamijkeenii sida maalin laha ahaa aanu idiinku soo gudbin jirnay waxyaabaha ay wargaysyada yurub ka qoreen suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda xagaaga ayaa si rasmi ah u furan waxayna koox kastaaba haysataa fursada ay ku samayn karto saxiixyo cusub oo ay xili ciyaareedka cusub kooxdeeda ugu soo xoojin karto.

Kooxaha qaar ayaa haddaba bilaabay in ay saxiixyo muhiim ah sameeyaan halka kuwo kale ay waqti badan ku qaadanayso in ay helaan bartilmaameedyo ku haboon kooxahooda.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaysa wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda maanta oo Isniin ah:

Kooxda ku guuleysatay FA Cup ee Arsenal, waxay bartilmaameed ka dhigatay difaaca reer Brazil ee Diego Carlos oo ah 27 jir muhiim u ah Sevilla, kaas oo uu Mikel Arteta ku darsaday qorshihiisa xili ciyaareedka dambe. (Telegraph)

Arteta waxa uu telefoonka kula hadlay kubbad-sameeyaha Barcelona ee Ivan Rakitic, waxaanay gorfeeyeen sida uu laacibka reer Croatia ee 32 jirka ah ugu biiri lahaa Gunners. (Le10Sport)

Manchester United waxay tixgelinaysaa inay u dhaqaaqdo goolhayaha xulka qaranka Denmark iyo kooxda Leicester City ee Kasper Schmeichel oo 33 jir ah. (Sun)

Liverpool ayaa kaga gacan sarraysa Paris St-Germain tartanka loogu jiro khadka dhexe ee Bayern Munich ee Thiago Alcantara, waxaana hadda la filayaa in Reds ay lasoo saxeexato xiddiga reer Spain. (Mundo Deportivo)

Tottenham Hotspur waxay Everton kula tartami doontaa difaaca midig ee reer Turkey ee Zeki Celik oo ah 23 jir u ciyaara Lille. Spurs waxay qorshaynaysaa inay iibiso Sergi Aurier oo 27 jir ah, booskiisana ay keento Zeki. (Times)

Arsenal waxay heshiis cusub oo uu toddobaadkii ku qaadanayo £250,000 Gini ay hor dhigtay weeraryahanka reer Gabon ee Pierre-Emerick Aubemayng oo 31 jir ah, waxaanu heshiiskani soconayaa muddo saddex sannadood ah. )Mirror)

Laakiin Aubameyang ayaa doonaya inuu arko saxeexyo waaweyn oo ay Gunners samaynayso ka hor inta aanu ogolaanin inuu heshiiska u kordhiyo kooxdan uu u qaaday koobkii 14aad ee FA Cup ah. (Le10Sport)

Weeraryahanka Crystal Palace ee Wilfried Zaha oo 27 jir ah ayaa kusoo baxay liiska ciyaartoyda bartilmaameedka u ah Arsenal. (Star)

Kooxda kubadda cagta Aston Villa ayaa bartilmaameed ka dhigatay weeraryahanka Liveprool ee Divock Origi oo 25 jir ah. (Sun)

Guddoomiye ku-xigeenka Manchester United ee Ed Woodward waxa uu wada-hadallo la yeeshay difaaca reer Brazil iyo kooxda Lille ee Gabriel Magalhaes oo 22 jir ah. (RMC Sport)

Dhinaca kale, United waxay rajaynaysaa inay difaaca reer England ee Chris Smalling oo 30 jir ah u isticmaasho qayb ka mid ah heshiiska ay Inter Milan kaga doonayso difaaca reer Slovakia ee Milan Skriniar. (Star)

Smalling wuxuu kusoo laabanayaa Old Trafford iyadoo uu soo dhamaaday heshiiskii amaahda ahaa ee uu kula joogay kooxda Talyaaniga ah ee Roma. (Manchester Evening News).

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.