Liverpool Oo Niyadjabkii Guuldaradii Man City Iskaga Reebtay Aston Villa, Rekoodhka Layaabka Leh Ee Sadio Mane Oo Sii Socda Iyo Curtis Jones Oo Biladiisa Xalaashaday.

Liverpool ayaa xasuuqii ka soo gaadhay Manchester City waxay isku ilawsiisay guul ay niyadii kooxdeeda sare ugu soo qaaday oo ay Anfield kaga gaadhay kooxda Aston Villa oo hadda halis wayn ugu jirta ay heerka labaad u dhacdo.

Liverpool ayaa guushanku gaadhay goolal ay dhaliyeen Sadio Mane iyo da’yarka Curtis Jones kaas oo dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee Premeir league kadib markii uu xili danbe kaydka ka soo baxay. Jones oo sabtidii heshiis cusub saxiixay ayaa goolkiisii ugu horeeyay ee Premier league qandaraaskiisa ugu dabaal degay.

Image

 

Sadio Mane ayaa sii joogteeyay rekoodhka aan la rumaysan karin ee aanu Anfield wax guuldaro ah ugula kulmin afartii sanadood iyo dheeraadkii uu Liverpool joogay wuxuuna ahaa xidigii bilaabay guusha Reds.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD

ASTON VILLA STARTING XI (4-3-3): Pepe Reina; Ezri Konsa Ngoyo, Kortney Hause, Tyrone Mings, Neil Taylor; John McGinn, Douglas Luiz, Jack Grealish; Anwar El Ghazi, Keinan Davis, Trezeguet.

Kaydka: Marvelous Nakamba, Ahmed El Mohamady, Henri Lansbury, Mbwana Samatta, Indiana Vassilev, Frederic Guilbert, Conor Hourihane, Jota, Orjan Nyland.

LIVERPOOL STARTING XI (4-3-3): Alisson; Trent Alexander-Arnold, Joe Gomez, Virgil van Dijk, Andy Robertson; Alex Oxlade-Chamberlain, Fabinho, Naby Keita; Mohamed Salah, Divock Origi, Sadio Mane.

Kaydka: Harvey Elliott, Takumi Minamino, Curtis Jones, Jordan Henderson, Xherdan Shaqiri, Neco Williams, Roberto Firmino, Adrian, Georginio Wijnaldum.

Jurgen Klopp ayaa isbadalo badan ku sameeyay shaxda kooxdii uu ceebta kagala soo kulmay Manchester City wuxuuna doonayay in kooxdiisu ay jawaab ka bixiso dhirbaaxadii cuslayd ee Etihad Stadium.

Laakiin kooxda heerka labaad ka baxsanaysa ee Aston Villa ayaa iska caabin iyo dhiiranaan badan kala soo muuqatay Anfield taas oo Reds markale ku qasabtay in ay xaalad adag mareen.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ahayd mid bilaa xamaasad ah isla markaana lagu caajisay waxayna ahayd ciyaar ay yar tahay in ay qaybtii hore labada kooxood sameeyaan fursado badan oo gool dhalineed.

Liverpool ayaa markale aad uga fogayd heerkii ciyaareed ee ay xili ciyaareedkan koobka ugu soo guulaysteen waxaana qaybtii hore labadii fursadood ee ugu fiicnaa helay Luiz oo Aston Villa ka tirsan oo Alisson badbaadin ku sababay iyo Mohamed Salah.

Waxayna qaybtii hore noqotay mid gool la’aan ciyaarta looga baxay waxaana la sugayay isbadalada uu Klopp samaynayo waqtigii nasashada balse waxa uu garoonka kula soo noqday isla 11 kii xidig ee uu ku soo bilaabay.

Qaybtii labaad waxay ahayd kooxda Aston Villa kuwa ugu dhawaaday in ay goolal ku hor maraan waxayna Liverpool ku abuureen fursado cabsi badan ku abuuray isla markaana halis galiyay in ay dhibaato kale sii dhex galaan.

Daqiiqadii 52 aad Aston Villa ayaa ku dhawaatay in ay xaalada Liverpool sii xumayso kadib markii uu Grealish fursad u abuuray El Ghazi kaas oo Allison ku qasbay in uu badbaadin fiican sameeyo.

Daqiiqadii 61 aad markii uu Klopp arkay in xaaladu ku sii xumaanayso kooxdiisa waxa uu hal mar kaydka uga yeedhay Jordan Henderson, Roberto, iyo Gini Wijnaldum wuxuuna saaray Oxlade-Chamberlain, Fabinho iyo Origi.

DAQIIQADII 71 AAD Liverpool ayaa ugu danbayn jabisay iska caabintii kooxda heerka labaad ka baxsanaysa ee Aston Villa waxaana rekoodhkiisii layaabka lahaa ee Anfield sii waday Sadio Mane kaas oo goolkan ku dhaliyay kubbad caawin fiican oo uu Naby Keita ka soo sameeyay dhinaca bidix.

Sadio Mane
Sadio Mane

Ciyaarta ayaa noqotay 1-0 ay Liverpool hogaanka kula wareegtay wuxuuna goolkani dhibaato wayn ku noqday kooxda Aston Villa ee doonaysay in ay sii wado dagaalka ay horyaalka heerka labaad kaga baxsanayso.

Image

DAQIIQADII 75 AAD Goolhayihii hore ee Liverpool ee Pepe Reina ayaa gool cajiib noqon lahaa ka beeniyay Roberto Firmino kaas oo ay kubbad qurux badan soo wada ciyaareen Mohamed Salah wuxuuna Reina kooxdiisa Aston Villa ka badbaadiyay goolka labaad ee niyadjabka.

Daqiiqadii 85 aad Klopp ayaa kaga dhabeeyay balan qaadkii uu Curtis Jones ugu sameeyay in uu heli doono bilada Premier league wuxuuna da’yarkan siiyay fursad uu ku sii kordhiyo kulamada Premier League ee uu kooxdiisa u ciyaaray waxaana la saaray Naby Keita.

Curtis Jones ayaa ka mid ah ciyaartoyda da’yarta Liverpool ee aan wali buuxin shuruuda bilada Premeir League wuxuuna kulankani u ahaa mid fursadiisa uu Klopp sare ugu soo qaaday.

DAQIIQADII 89 AAD Alla Maxay Waqti fiican u ahayd! Da’yarka ciyaarta badalka ku soo galay Curtis Jones ayaa kubbad si cajiib ah looga soo shaqeeyay ku dhaliyay goolka labaad ee Liverpool kadib markii uu caawin ka helay Mohamed Salah wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2-0 ay Reds hogaanka ku dheeraysatay.

Curtis Jones ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee Premier league ee kooxdiisa Liverpool wuxuuna ahaa xidigii kubbada soo bilaabay isaga oo Henderson kubbad fiican la soo ciyaaray waxaana kubbada dhinaca bidix ka soo karoosay Robertson halka Salah uu kubbada soo joojiyay si uu Curtis Jones uga caawiyo goolkiisii ugu horeeyay ee premier league.

DAQIIQADII 90 AAD Goolhaye Alisson ayaa sameeyay gool badbaadin wayn si uu shabaqa nadiifta ee uu u tartamayay u sii joogteeyo wuxuuna gool cadaan ah ka beeniyay Grealish.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-0 Liverpool ku sii xumaysay rajadii Aston Villa ee in ay Premier League baaqi ku sii noqon karto laakiin rekoodhka guuldaro la’aanta Sadio Mane ee Anfield ayaa halkiisa ka sii socday waxayna Reds sii kordhisay dhibcaha ay xili ciyaareedka ku dhamaysan doonto.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.