Liverpool Oo Jawaab Kasoo Heshay Dalabkii Ay Ka Gubdisay Daafaca Norwich Ee Jamal Lewis – Miyaa Laga Soo Ogolaaday?

Kooxda kusoo guuleysatay horyaalka Premier League ee Liverpool ayaa lagu soo warramayaa inay jawaab ka heshay xiisaha ay u muujinaysay daafaca bidix ee kooxda Norwich City ee Jamal Lewis kaas oo kooxdiisu heerka labaad uga degtay horyaalka.

Wargeyska The Athletic ayaa shaaca ka qaaday in Jamal Lewis ay ka go’antahay inuu iskaga soo dhaqaajiyo Norwich City isla markaana uu kusoo biiro Liverpool.

Sida haatan la ogaaday, Liverpool ayaa gabi ahaanba ku fashilantay dalabkii 10-ka Milyan ee Pound ahaa ee ay ka gudbisay Lewis waxaana ay Norwich dalbanaysaa laba jibaarka lacagtaas haddiiba ay 22 sano jirkeeda u ogolaanayso inuu ka baxo Carrow Road.

Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa u hanqal taagaya inuu safkiisa kusoo daro daafac bidix si uu kaabis ugaga dhigo xiddiga hadda booskaas uga masuulka ah ee Andy Robertson.

Klopp ayaa ka warqaba in xilli ciyaareedka 2020-21 oo noqon doona mid aad u mashquul badan ay muhiim noqon doono qoto dheeraanta safka kooxdu iyo inaad ciyaaryahano badan haysataa waxaana uu u baahan yahay wax ka badan James Milner oo uu daafac bidix u adeegsado marka uu nasinayo Robertson.

Jamal Lewis ayaa xilli ciyaareedkan 28 kulan oo Premier League ah usoo ciyaaray Norwich, marka laga yimaado in kooxdiisu ay booska ugu hooseeya kaga soo dhammaysatay horyaalka haddana waxa uu soo sameeyay qaab ciyaareed soo jiidasho leh.

Xiddiga heer caalami ee xulka qaranka Northern Ireland ayaa diyaar u ah inuu aqbalo in fursada ciyaareed ee uu ka heli doono safka koowaad ee Klopp ay noqon doonto mid xadidan.

Lewis ayaa mudo toddoba sano ah soo joogay Norwich City tan iyo markii uu dhinaca kuliyadooda kaga soo biiray kooxda Luton isaga oo 100 kulan usoo saftay kooxdeeda waaweyn.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.