Liverpool Oo Xasuuq Ku Bilowday Xili-ciyaareedka Cusub, Stuttgart Oo Ay Karbaashtay, Xiddigaha Goolasha Dhaliyey & Labadii Shaxood Ee Klopp Ku Ciyaaray

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa guul weyn ku bilowday xili ciyaareedkeeda cusub ee 2020-21, waxaana ciyaar saaxiibtinimo oo ay iskugu diyaarinayso kulanka Arsenal ee Sabtida toddobaadka dambe ay ku garaacday naadiga reer Germany ee Stuttgart.

Liverpool oo safar ciyaareed ku joogta waddanka Austria oo toddobaadkii hore ciyaartoydu tageen, waxay dhawr maalmood ku qaadatay tababar ay dib iskugu diyaarinayaan si ay u difaacan karaan horyaalka Premier League ee ay dhibcaha rikoodhka ah ku qaadeen xili ciyaareedkii hore.

Tababare Jurgen Klopp ayaa shax xooggan kusoo galay garoonka, sidaas oo kalena Stuttgart ayaan waxba la hadhin, waxaanay guusha ciyaarta 3-0 ay ku raacday Liverpool.

Weeraryahanka reer Brazil ee Roberto Firmino ayaa furtay gool-dhalinta daqiiqaddii 15aad, waxaanu goolka ku hubsaday kubbad uu si cajiib ah uga soo shaqeeyey da’yarka Curtis Jones oo xerada ganaaxa ugu keenay kubadda.

Liverpool oo ciyaarta iska maamulanaysay ayaa qaybta hore oo dhamaadkeeda ay ka hadhsan yihiin 5 daqiiqadood oo kaliya, waxay mar kale sii kordhisatay hoggaanka ciyaarta, waxaana shabaqa soo taabtay kubbad-sameeye Naby Keita oo saamayn badan ku lahaa ciyaarta.

Kubadda goolka noqotay ayay si cajiib ah uga soo wada shaqeeyeen Mohamed Salah iyo Roberto Firmino oo cidhib ugu sii dhiibay Keita oo isagu aan wax qalad ah samaynin si uu diiwaanka goolasha ee  kulanka iskugu qoro.

Qaybta hore oo ahayd mid sidii tababar ay samaynayso oo kale ay Liverpool ugu raaxaysanaysay ciyaarta, waxa kubbado qurux badan isku dhiibayay xiddigaha khadka dhexe ee Fabinho, Keita iyo Jones oo markii ugu horreysay isku helay fursad ay iskaga garab ciyaaraan.

Shaxdii Liverpool ee qaybtii hore: Alisson; Williams, Gomez, Van Dijk, Robertson; Fabinho, Jones, Keita; Salah, Firmino, Mane.

Qaybtii labaad ayay Liverpool halkeeda kasii wadatay bandhigga, inkasta oo uu Jurgen Klopp gebi ahaanba xiddigihiisii hore bannaanka dhigay oo uu shax cusub oo da’yar u badan kusoo galay.

Daqiiqado kooban markii ay socotay qaybta dambe ayay Liverpool ku doodday inay xaq u leedahay in loo dhigo rikoodhe kaddib markii lagu galay qalad, hase yeeshee garsooraha ayaa u sheegay inay ciyaartu socoto.

Rhian Brewster oo hoggaaminayay safka weerarka ayaa Liverpool u dhaliyey goolka saddexaad ee ciyaarta, iyadoo kubadda loogu keenay xerada ganaaxa.

Shaxda qaybtii labaad ee Liverpool:  Adrian; Hoever, Phillips, Van den Berg, Tsimikas; Wijnaldum, Milner, Grujic; Elliott, Minamino, Brewster.

James Milner oo khibraddiisa waayo aragnimada badan ku duugan tahay ku caawinayay xiddigan da’da yar ayaa helay fursad uu goolasha ugu sii kordhin karayo kooxdiisa, halka uu goolhaye Adrian uu badbaadiyey kubbado halistooda lahaa qaybtii dambe.

Brewster ayaa ku dooday in rikoodhe lagu galay ciyaarta oo sii dhamaanaysa balse garsooraha ayaa u sheegay inay ciyaartu socoto.

Kabtanka kooxda ee Jordan Henderson oo dhaawac kasoo gaadhay dhamaadka xili ciyaareedkii hore ayaa kulankan ka maqnaa, waxaanu wali la halgamayaa sidii uu uga soo kaban lahaa dhaawacaas oo laga yaabo inuu ku seego kulamada hore ee xili ciyaareedka cusub.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.