Liverpool Dalab Ka Gudbisay Badalka Tooska Ah Ee Dejan Lovern, Qiimaha Heshiiskiisa Lagu Burburin Karo Iyo Xaalada Ku Xeeran.

Kooxda Liverpool ayaa dalab ka gudbisay difaaca kooxda Real Betis ee Aissa Mandi si uu u noqdo badalka tooska ah ee Dejan Lovern oo dhawaan Anfield ka baxay.

Liverpool ayaa kooxda Zenit St Petersburg waxay  £10.8 milyan gini kaga iibisay Dejan Lovern laakiin Reds ayaa doonaysa in ay isla markiiba lacagtan ku kharash garayso difaac dhexe oo badal u noqon kara Lovern.

Sida lagu shaaciyay warbaahinta dalka Spain ee COPE, Liverpool ayaa dalab 10 milyan yuro ah ka gudbisay difaaca kooxda Real Betis ee Aissa Mandi inkasta heshiiska xidigan lagu burburin karo 30 milyan yuro.

Warkan ayaa lagu shaaciyay in kooxda Real Betis ay u furan tahay in ay aqbali karto dalabka Liverpool maadaama oo Mandi uu galay sanadkii ugu danbeeyay ee heshiiskiisa wuxuuna qandaraaskiisu dhacayaa sanadka soo socda ee 2021.

Aissa Mandi oo 28 sano jir ah ayayna kooxda Real Betis doonayn in ay heshiis cusub ka saxiixato laakiin Liverpool ayaa doonaysa in ay ka faa’iidaysato in Mandi uu galay dhamaadka heshiiskiisa kooxdan si ay qiimihii Lovern ugu soo maal galiso.

Wararka ayaa sheegaya in Liverpool si aad ah u xiisaynayso saxiixa Aissa Mandi si uu u buuxiyo booskii uu ka baxay Dejan Lovern laakiin waxa uu dheer yahay in uu ka ciyaari karo difaaca midig.

Jurgen Klopp waxa uu jecel yahay ciyaartoyda awooda u leh in ay hal boos ka badan ka ciyaari karaan sida Fabinho, Henderson, Milner, Firmino, Salah iyo Mane waxayna u noqon kartaa in Aissa Mandi uu ka caawin karo in uu difaaca midig iyo difaaca dhexe hadaba ka uu uga baahdo ka ciyaar siin karo.

Xidiga reer Algeria ee Aissa Mandi ayaa noqon kara saxiixa ugu horeeya ee ay Liverpool suuqa xagaagan ka samayn karto iyada oo waliba lacagtii Lovern oo kaliya ku soo xero galinaysa difaacan Aissa Mandi.

Inkasta oo ay kooxda Real Betis qiimaha lacagta lagu burburin karo heshiiska Aissa Mandi  ay ka dhigtay 30 milyan gini, haddana in uu galay 12 kii bilood ee heshiiskiisa ugu danbeeyay ayaa Liverpool ka caawinaysa in ay 10 milyan yuro ku hesho.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.