“Lionel Messi Waa Cajiib Laakiin Ronaldinho Ayaa Ah Midka Ugu Fiican Taariikhda” – Xiddig Messi Lasoo Ciyaaray Oo Hadal Weyni Kasoo Yeedhay

Xiddigii hore ee kooxda Barcelona ee Gerard Deulofeu ayaa si cajiib ah u kala doortay Lionel Messi oo uu kula soo ciyaaray kooxdaas iyo waliba halyeeygeeda kale ee Ronaldinho xilli uu dooranayay shaqsiga uu u arko midka ugu wanaagsan abid.

Deulofeu ayaa kamid ahaa xiddigihii koox bedelashada sameeyay suuqii dhawaan xidhmay isaga oo ka tagay Watford oo heerka labaad ee England u daadagtay kuna biiray kooxda ree Talyaani ee Udinese.

Hard to be billed as the next Messi at Barcelona' – Deulofeu reflects on life behind legends at Camp Nou | Goal.com

Mid kamida kooxaha uu sida lama filaanka ah wakhtiga ugu soo qaatay fursadana uga helay ayaa ahayd Barcelona oo mudo lix bilood ah safkeeda uu qayb ka ahaa kaddib bixitaankii Neymar JR ee sanadkii 2017.

Gerard Deulofeu oo dooranayay xiddiga ugu fiican abid ayaa ku tilmaamay midkaas halyeeyga ree Brazil ee Ronaldinho halka uu sidoo kale banaanka soo dhigay sida uu ula dhacsan yahay Lionel Messi.

Xiddiga ree Spain oo u warramayay website-ka rasmiga ah ee Serie A ayaa hadalkiisa ku bilawday “Aniga ahaan Ronaldinho ayaa ah ciyaaryahanka ugu wanaagsan taariikhda”

“Waan la kulmay isaga, waxaan tagay Camp Nou si aan kulan usoo daawado isaguna waxa uu fadhiyay dhinacayga”

“Messi waa mid cajiib ah sidoo kale, anigu aad ayaan u jeclahay isaga, waxaan isaga lasoo ciyaaray lix bilood waana qof wanaagsan iyo ciyaartoy cajiib ah, dunida oo dhan ayaa wax ka og Messi”

 

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.