“Lionel Messi, Kusoo Dhawoow PSG” – Tababaraha PSG Oo Ka Hadlay Kabtanka Barcelona Ee Lala Xidhiinayo Kooxdiisa & Fursadaha Ay U Haystaan Saxeexiisa

Tababaraha kooxda kubadda cagta PSG ee Thomas Tuchel ayaa albaabada u furay xiddiga reer Argentine ee Lionel Messi oo la sheegayo inuu doonayo inuu iskaga tago kooxdiisa kaddib xili ciyaareed niyad jab ahaa oo aanay wax koob ah ku guuleysanin iyo dhibaatooyin shaqsi ah oo isaga kasoo gaadhay masuuliyadda kooxda oo kalidii tunka loo saaray.

Thomas Tuchel oo isaga naf ahaantiisa uu saaran yahay culays, lana sheegayo in shaqada laga caydhin doono kaddib khasaarihii kasoo gaadhay finalka Champions League oo Bayern Munich ay koobka kaga qaadday 1-0, ayaa waxa uu sheegay inuu ‘aad usoo dhoweynayo’ Lionel Messi haddii ay suurtogal noqoto inuu kooxdiisa Paris Saint-Germain yimaaddo, laakiin waxa uu qiray in filashada iyo helitaanka kabtanka Barcelona ay adag tahay.

Tababarahan oo la hadlayay warbaahinta kaddib ciyaartii koobka lagaga qaaday, ayaa la weydiiyey haddii uu jeclaan lahaa inuu Messi yimaaddo PSG, waxaanu ku jawaabay: “Aad iyo aad ayaan usoo dhoweynaynaa. Waa kuma tabaharaha diidaya Messi?”

Sidaas oo ay tahay, haddana Thomas Tuchel waxa uu hoosta ka xariiqay in Barcelona iyo Lionel Messi aanay meelna kala tegi doonin illaa inta uu ciyaaraha ka fadhiisanayana uu sii joogi doono Camp Nou, waxaanu yidhi: “Waxay ila tahay in Messi uu xirfaddiisa ku dhamaysan doono Barcelona. Isagu waa Mr Barcelona.”

Lionel Messi oo ay da’diisu tahay 33 jir, waxa uu tababaraha cusub ee Ronald Koeman u sheegay in uu doonayo inuu iskaga tago kooxda, niyaddiisuna bannaanka taallo.

Bahdilaaddii weynayd ee kasoo gaadhay wareeggii siddeedda tartanka Champions League ee Bayern Munich ay ku xasuuqday 8-2 ayaa dibedda usoo saartay sida uu laacibkani uga niyad-jabsan yahay inuu sii joogo Barca oo 731 ciyaarood oo uu u saftay uu u dhaliyey 634 gool, iyadoo uu u qaaday Afar Champions League iyo 10 horyaal oo LaLiga ah, halka isaguna uu abaal-marinta xiddiga adduunka ee Ballon d’Or ku guuleystay lix jeer.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.