Liiska Saxiixyada La Dhameystiray Maanta Oo ah Deadline Day

Suuqa iibka ciyaartoyda ayaa xidhmaya caawa saqda dhexe ee xilliga Geeska Afrika, waxaanay kooxaha waaweyn iyo kuwa yaryariba ku mashquulsan yihiin sidii ay saxeexyo u samayn lahaayeen waqtiga kooban ee ay haystaan.

20ka kooxood ee horyaalka Premier League ka kooban yahay, kuwa Spain, Germany illaa Serie A ayaa hawlgallo ku jira, waxaanay iskugu jiraan kuwo saxeexyo cusub samaynaya iyo kuwo laga qaadanayo ciyaaryahanno ay mulkiyaddooda leeyihiin.

Intii uu furnaa suuqa xagaagani, waxa shaqada ugu weyn qabsatay Chelsea oo lasoo saxeexatay Hakim ZIyech, Timo Werner, Kai Havertz, Thiago Silva, Ben Chilwell iyo Edouard Mendy.

Laakiin Liverpool ayaa laba laacib oo saamayntooda leh soo qaadatay, waxaanay kala yihiin Thiago Alcantara iyo Diogo Jota, halka ay Manchester City illaa hadda xaqiijisatay Ferran Torres, Nathan Ake iyo Ruben Diaz oo Etihad Stadium yimid.

Manchester United ayaa hal saxeex oo kaliya si rasmi ah u dhamaystirtay, waana Donny van de Beek oo ay Ajax kala soo wareegeen, waxayse xubin firfircoon ka yihiin suuqa iibka ciyaartoyda oo la filayo in maanta ay saxeexyo cusub kaga dhawaaqaan.

Everton ayaa iyaduna James Rodriguez, Allan, Abdoulaye Doucoure iyoNiels Nkounkou hore ula soo wareegtay, waxayse subaxnimadii hore ee saaka suuqa kaga naxsatay hal saxeex oo ay lacag badan kasoo bixisay oo xoojin doona khadkooda difaaca.

Tottenham ayaan dhinaceeda iska fadhiyin oo gacanta ku dhigtay Gareth Bale, Sergio Reguilon, Pierre-Emile Hojbjerg, Joe Hart iyo Matt Doherty.

Arsenal iskamay fadhiyin, waxaanay heshay ciyaaryahanno wax badan ka beddelaya safkeeda oo ay ka mid yihiin Willian iyo Gabriel Magalhaes oo labaduba u dhashay waddanka Brazil.

Qormadan oo illaa inta uu ka xidhmayo suuqa iibka ciyaartoydu ee caawa saqda dhexe, si joogto ah usoo gudbin doonta heshiisyada la dhamaystiray ee horyaallada waaweyn ee Yurub, ayaa waxa aad kala socon doontaan saxeex kasta  oo dhaca.

Nagala soco halkan

Heshiisyadii la dhamaystiray maanta oo uu xidhmayo suuqa iibka ciyaartoyda:

Ben Godfrey – Norwich City => Everton (£30million)

Ryan Sessegnon – Tottenham Hotspur => Hoffenheim (Amaah)

Alex Cochrane – Brighton => Royale Union Saint-Gilloise (Amaah)

Kalimuendo – PSG => Lens (Amaah)

Matteo Darmian – Parma => Inter Milan (Amaah)

Danilo Pereira – FC Porto => PSG (Amaah)

Oussama Idrissi – Selocidad => Sevilla

Eric Maxim Choupo-Moting – PSG => Bayern Munich (Heshiis xor ah)

Heshiis kasta oo dhamaystirma halkan kala soco, mar walbana REFRESH ku samee qormadan

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.