LAYAAB: Thibaut Courtois Oo Farriimo Hanjabaad Ah Looga Soo Diray Barcelona

Goolhayaha kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Thibaut Courtois ayaa shaaciyey in farriimo hanjabaado ah looga soo diray magaalada Barcelona, halkaas oo ay kooxdiisu taageereyaal la’aan ku tahay.

Xafiiltanka u dhexeeya Real Madrid iyo Barcelona ayaa mar walba cirka ku shareeran, waxaana taagereeyaasha labada kooxood ay cadaawad u hayaan ciyaartoyga kooxda kasoo horjeedda.

Thibaut Courtois waxa uu dub-dhexaad u ahaa guusha horyaalka LaLiga Santander ee Real Madrid oo xalay u dabbaal-degtay gaar ahaan usbuucyadii ugu dambeeyey oo uu goolkiisa ka ilaaliyey kubbado bada oo haddii ay qaarkood ka dhalan lahaayeen ay Los Blancos waqtigan ku jiri lahayd xaalad ka beddelan farxadda.

Goolhayaha reer Belgium oo warbaahinta la hadlay kaddib ciyaartii ay Villarreal 2-1 ku garaaceen, koobka horyaalkana ugu guuleysteen, ayaa waxa uu daboolka ka qaaday farriimo hanjabaado ah oo uga yimid gobolka Catalonia ee ay caasimaddiisa tahay Barcelona, kuwaas oo uu tilmaamay in kooxdiisu ka caawisay sidii uu jawaab uga bixin lahaa.

Waxa kale oo uu amaanay qaab ciyaareedka kooxdiisa ee tobankii kulan ee ay ciyaareen intii horyaalku dib u bilaabmay.

“Kasoo laabashadii go’doonka ee labada bilood ee adag ahayd kaddib, waxaanu ku guuleysanay 10 ciyaarood… aniguna waxaan kooxdayda ku qabay kalsooni ah inaanu guuleysan doono.” Ayuu yidhi Goolhaye Thibaut Courtois.

Laacibkan ay Real Madrid kala soo wareegtay Chelsea, waxa uu caddeeyey nooca ay ahaayeen farriimaha hanjabaadaha ah ee kasoo gaadhay Barcelona, waxaanu yidhi: “In ka badan hal mar, farriimo ayaan ka helay Catalonia, waxaana la iigu sheegay inaan afkayga daboolo oo aan aamuso, balse kooxdayda ayaa jawaabtii bixisay.”

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.