LAYAAB! Ma Aha PSG, Man City, Barcelona Ama Real Madrid, Koox Lama Filaan Ah Oo Kaalinta Kowaad Ka Gashay 20 Ka Kooxood Ee Lacagta Ugu badan Suuqa Galiyay 5 Sano Ee Ugu Danbaysay.

Qiimayn lagu sameeyay 20 ka kooxood ee lacagaha ugu badan suuqa kala iibsiga ku kharash gareeyay shantii sanadood ee ugu danbaysay ayaa la soo saaray waxaana kaalinta kowaad ka gashay koox lama filaan ah.

Marka la soo hadal qaado kooxo lacago badan suuqa ku kharash gareeyay shantii sanadood ee ugu danbeeyay waxaa markiiba la xusuusanayaa kooxaha maal qabeenada Carbeed ee PSG iyo Manchester City laakiin koox kale ayaa kaalinta kowaad ka qaaday.

Welcome to Paris - Neymar Jr

Warbaahinta xogta suuqa kala iibsiga looga danbeeyo ee Transfermarkt oo laga leeyahay dalka Jarmalka ayaa soo saartay qiimaynta 20 ka kooxood ee lacagaha ugu badan suuqa ku bixiyay intii lagu jiray shantii sanadood ee ugu danbeeyay.

Kooxda Juventus ayaa si layaableh u noqotay kooxda lacagaha ugu badan ku kharash garaysay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda intii lagu jiray shantii sanadood ee ugu danbeeyay.

Juventus ayaa kaalinta kowaad ku gashay lacagihii badnaa ee ay ku kharash gareeyeen Cristiano Ronaldo, Gonzalo Higuain iyo waliba Arthur Melo oo xagaagan ku soo gaadhaya qiimo qaali ah.

Juventus waxay Ronaldo ka soo bixisay 99.2 milyan gini waxayna Higuain ka dhiibeen 75.3 milyan laakiin guud ahaan shantii sanadood ee ugu danbeeyay ayay Juventus bixisay lacagta ugu badan oo guud ahaan dhan 975.89 milyan gini oo ah lacag hal bilyan ku dhaw.

Kooxda burburka wayn ku dhex jirta ee Barcelona ayaa noqotay kooxda labaad ee shantii sanadood ee ugu danbeeyay lacagaha ugu badan suuqa ku bixisay waxayna Barca kharash garaysay 961.52 milyan gini laakiin waxaa lacagahan ku jira heshiisyadii Coutinho iyo Dembele oo ka mid ah ciyaartoyda ay kooxda Camp Nou ku khasaartay.

Man City ayaa kaalinta saddexaad ugu jirta in ay 958.41 milyan gini kharash garaysay shantii sanadood ee ugu danbeeyay waxaana kaalinta saddexaad ku jirta kooxda finalka Champions League markii ugu horaysay soo gaadhay ee PSG oo shantii sanadood ee ugu danbeeyay suuqa ku bixisay 774.54 miyan gini.

Kaalinta shanaad waxaa ku jirta kooxda xili ciyaareedkii saaddexaad oo xidhiidh ah koob la’aanta ku dhamaysatay ee Man United oo shantii sanadood ee ugu danbeeyay suuqa ku bixisay 752.49 milyan gini.

Chelsea kaalinta lixaad ku jirta waxayna Blues suuqa ku bixisay 747.54 gini laakiin kooxda koobka Premier League ku soo guulaysatay ee Liverpool ayaa shantii sanadood ee ugu danbeeyay suuqa kala iibsiga ku kharash garaysay 527.29 milyan gini oo kaliya waana lacag kala badh ka ah Juventus, Barcelona iyo Man City.

Halkan kaga bogo 20 ka kooxood ee lacagaha ugu badan ku kharash gareeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda shantii sanadood ee ugu danbeeyay.

20. Tottenham – £425.79m

19. Bayern Munich – £428.18m

18. Sevilla – £433.40m 

17. Arsenal – £486.85m

16. Borussia Dortmund – £487.29m

15. Napoli – £492.56m

14. Everton – £502.26m

13. Roma – £515.64m

12. Liverpool – £527.29m

11. AC Milan – £563.48m

10. AS Monaco – £574.48m

9. Real Madrid – £610.43m

8. Inter – £677.29m

7. Atletico Madrid – £712.45m

6. Chelsea – £747.54m

5. Manchester United – £752.49m

4. PSG – £774.54m

3. Manchester City – £958.41m 

2. Barcelona – £961.52m

1. Juventus – £975.89m

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.