Labadii Ciyaartoy Ee Guul-darrada U Horseeday Arsenal, Xiddigii Garoonka Iyo Qiimaynta Ciyaartoyda Kulankii Man City vs Arsenal

Manchester City ayaa kusoo laabatay jidka guusha oo ay ka maqnayd labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey oo ay midda hore ay Leicester City si xun ugu garaacday Etihad Stadium, midda labaadna barbarro ay ku dhibaatoodeen ay dhibcaha iku wadaageen Leeds United.

Tababare Pep Guardiola oo gacan yarihiisii Mikel Arteta kusoo dhoweeyey garoonka Etihad ayaa saddexda dhibcood u dabbaal-degay markii uu garsooruhu ku dhawaaqay siidhiga dhamaadak, waxaana mahaddeeda iska lahaa Raheem Sterling oo qaybtii hore u saxeexay goolka.

Arsenal ayay wax badan ka si’ ahaayeen, waxaana liitay xiddigaheeda afka hore oo shaqayn waayey, isla markaana u muuqday sidii kuwo aan ciyaartaba diyaar u ahayn, taas oo ay usii raacday Arteta oo kaydka kusoo bilaabay weeraryahanka reer France ee Lacazette oo ah laacibka goolasha ugu badan u dhaliyey intii uu xili ciyaareedku bilaabmay.

Xiddigii garoonka

Raheem Sterling oo goolka ay kooxdiisu ku guuleysatay dhaliyey ayaa loo doortay xiddigii ugu fiicnaa ciyaarta, waxaanay qiimaynta ugu sarraysay ee kulanka wadaageen goolhaye Ederson oo kubbado badan ka badbaadiyey shabaqiisa iyo Riyad Mahrez oo isaguna khatar ku ahaa difaaca Arsenal.

Telefishanka Sky Sports ee ciyaarta baahinayay ayaa Sterling u doortay inuu ahaa laacibka ugu fiican ciyaarta maadaama uu labadiisa saaxiib ee kale ee ay isku qiimaynta ahaayeen uu dheeraa goolka uu dhaliyey iyo inuu mar walba ahaa laacibka loogu cabsida badan yahay.

Ciyaartoydii Fashilmay

Aubameyang iyo Willian oo ahaa xiddigihii ay guusha ka sugaysay Arsenal ayaa garoonka oo dhan ugu liitay oo iska dhex joogay garoonka, iyadoo ay ciyaartana ka heleen qiimayn fadeexad ah oo ah tan ugu liidatay dhamaan ciyaartoyda labada kooxood.

Willian iyo Aubameyang ayaa helay min 5 darajada qiimaynta kulanka, waana bandhig aan laga filaynin weeraryahanno laga doonayay inay goolal dghaliyaan.

Qiimayntii guud ee ciyaartoyda labada kooxood:

Manchester City: Ederson (8), Walker (7), Dias (7), Ake (7), Cancelo (6), Rodrigo (7), Foden (7), Silva (7), Mahrez (8), Aguero (7), Sterling (8).

Beddelka: Gundogan (6), Fernandinho (n/a).

Liverpool: Leno (6), Luiz (7), Gabriel Magalhaes (6), Tierney (6), Bellerin (6), Ceballos (7), Xhaka (7), Saka (7), Willian (5), Aubameyang (5), Pepe (6).

Beddelka: Lacazette (5), Nketiah (n/a), Partey (n/a)

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.