LABADAN Tababare Midkood Ka Filo Inuu Barcelona Hoggaamiyo Marka Uu Champions League Bilaabmo Bisha Dambe

Iyadoo uu cadaadis ba’ani shaqada tababarenimo ee kooxda Barcelona ku saaran yahay tababare Quique Setien oo wakhti aan foggayn kahor la magaacabay ayaa durtaba la xusayaa liis magacyo ah oo jagadaas kala wareegi kara.

Real Madrid ayaa ku guuleysatay horyaalka La Liga kaddib guul 2-1 ah oo ay dhawaan ka gaadheen kooxda Villarreal halka Barcelona oo booska labaad ku dhammaysan doontaa ay Alaves la ciyaarayso kulankeeda ugu dambeeya ee horyaalka.

Su’aasha jawaabta u baahan ayaa ah miyuu macalin Setien kulankaasi u noqon doonaa midkii ugu dambeeyay ee uu Barcelona maamulo oo qayb kama noqon doono hayaanka kooxda ee Champions League ee bisha dambe bilaabmaya.

Laba tababare oo ay laba wargeys oo magaalada Barcelona kasoo wada baxaa isku maan-dhaafeen ayaa kala ah Laurent Blanc iyo Patrick Kuilvert oo labaduba ah laba xiddig oo hore oo Barca ah.

Aan ku bilawnee Kluivert oo wakhtigiisii ciyaaryahanimo 122 gool 257 kulan ugu soo dhaliyay Barcelona ayaa haddaba kooxdaas shaqo ka haysta isla markaana ah agaasimaha da’yarta Barca.

Mundo Deportivo oo Kluivert ku sifeeyay hoggaamiyaha ay Barcelona wakhtigan la’dahay ayaa sheegay in ciyaaryahanada kooxdu ay isaga dalbanayaan.

Dhinaca kale wargeyska xooga ugu dhaw Barcelona ee Sport ayaa aaminsan in Laurent Blanc oo hore koobka aduunka isagoo ciyaaryahan ah ula soo qaaday France uu noqon doono tababaraha xiga ee Blaugrana.

Waxa lasoo warinayaa in wakiilka Blanc ee Jorge Mendes uu wadahadalo la yeeshay kooxda, Blanc oo si lamid ah Kluivert soo ahaa xiddig Barca ah xilli ciyaareedkii 1996-97 isagoo sanadkaas la qaadaySuper Cup, Copa Del Rey iyo Cup Winner’s Cup.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.