LA OGAADAY: Xiddiga Arsenal Ka Tirsan Ee Sida Lama Filaanka Ah Qarka Ugu Fuulay Inuu Barcelona Ka Dego & Shaqsigii Kahor Istaagay

Da’yarka boosaska badan ka ciyaara ee kooxda Arsenal ee Ainsley Maitland-Niles ayaa lagu soo warramayaa inuu si lama filaan ah qarka ugu fuulay inuu ku biiro kooxda Barcelona intii uu furnaa suuqii xagaaga 2020 ee badhtamaha toddobaadkan xidhmay.

Sida uu sheegayo wargeyska The Sun, Barcelona ayaa xagaagii qaaday talaabooyin ay ku doonayso saxeexa Ainsley Maitland-Niles.

Warbixinta ayaa xusaysa in madaxda sarre ee Barcelona ay 23 sano jirka Gunners u doorteen shaqsiga u buuxinaya booskooda daafaca midig kahor imaatinkii Sergino Dest.

Ugu dambayntii Ainsley Maitland-Niles ayaa meelna bixin waxaana sababteeda lahaa oo heshiiska hor istaagay tababaraha kooxdiisa ee Mikel Arteta.

Marka laga yimaado diidmada Arteta, The Sun ayaa sheegaya in Barcelona ay toos ula xidhiidhay Ainsley Maitland-Niles oo ay wax ka weydiiyeen dareenkiisa shaqsiyeed ee ah inuu Camp Nou usoo wareego isagoo xataa heshiiska shaqsiga ah la gaadhay.

Intaas kaddib tababare Mikel Arteta ayaa u sheegay madaxda sarre ee kooxdiisa inaysan xataa dhagaysanin wax dalabaad ah oo laga soo gudbiyo Ainsley.

Ainsley Maitland-Niles ayaa sidoo kale ku dhawaaday oo mar lala xidhiidhinayay kooxda Wolves kahor intii uusan Nuno Espirito Santo dhinaca Barca kala soo saxeexan Nelson Semedo.

Si kastaba ha ahaatee, Ainsley Maitland-Niles ayaa kamida asal ahaan khad dhexe ah balse Gunners kasoo caawiyay daafacyada garbaha xilli ciyaareedyadii ugu dambeeyay.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.