KOOXDA USBUUCA: Shaxdii Ugu Fiicnayd Toddobaadkan Premier League Oo Lasoo Xulay & Shan Kooxood Oo Waaweyn Oo Ku Ceebaysan

Shabakadda WhoScored.com ayaa markale soo xulatay shaxdeeda toddobaadkii 35-aad ee horyaalka Premier League oo xalay lagu soo af-meeray kulan dhex maray kooxaha Manchester United iyo Southampton oo Old Trafford ka qabsoomay.

Xulashada shabakadda ayay ku fashilmeen lixda kooxood ee waaweyn ee kala ah Liverpool, Chelsea, Man United, Arsenal iyo Tottenham iyadoo xataa Son Hueng Min oo guul North London Derby ah u keenay Spurs laga waayay.

Goolhayaha shaxdan ayaa noqday Nick Pope oo xilli ciyaareedkan gacanta dahabka ah hoggaaminaya, Pope ayaa badbaadino cajiib ah ka sameeyay kulankii ay Burnley bar-baraha ku qabatay Liverpool.

Dawson oo Watford ka caawiyay inay ka adkaato Newcastle United iyo O’Connel oo kamid ahaa xiddigihii Sheffield United ee jiidhay Chelsea ayaa ku midaysan daafaca dhexe.

Ryan Fredricks oo caawiyay mid kamida goolashii West Ham United ee kulankii Norwich ayaa daafaca midig kusoo baxay halka uu booska daafaca bidix galay Rico oo ka caawiyay Bournemouth inay garaacdo Leicester City.

Sterling oo saddexley ku kala dhantaalay Brighton & Trezeguet oo laba gool ka dhaliyay Crystal Palace ayaa kusoo baxay shaxdan khadkeeda dhexe waxaana dhammaystiraya afarta dhexda Bernardo Silva oo qudhiisu Brighton gool kasoo dhaliyay iyo Ruben Neves oo caawiye ka ahaa mid kamida goolashii ay Wolves ku kala dhantaashay Everton.

Labada weeraryahan ee shaxdan ayaa kala ah Gabriel Jesus oo gool iyo caawin kasoo sameeyay ciyaartii Man City ay kasoo adkaatay Brighton iyo Michail Antonio oo afar gool kasoo dhaliyay Norwich City.

Shaxda Oo Sawir Ah

Antonio steals the show as Man City dominate Premier League best XI

 

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.