KOOXDA USBUUCA: Shaxdii Ugu Fiicnayd Premier League Toddobaadkan – Min Imissa Ayay Ku Yeesheen Kooxihii Man United & Liverpool Bahdilay?

Shabakadda Whoscored.com ee looga bartay samaynta qiimaynaha kala duwan ee kubadda cagta haddii ay tahay mida kooxaha iyo haddii ay tahay mida shaqsiga ahba ayaa soo saartay shaxda kooxdii ugu fiicnayd horyaalka Premier League toddobaadkan.

Shaxdan ayay xiddigaha ugu badan ku yeesheen kooxaha Chelsea, Tottenham iyo Aston Villa oo dhammaantood guulo waaweyn gaadhay iyagoo si gaar ahaaneed guulaha Spurs iyo Villa ay u ahaayeen kuwo khaas ah.

Image

Aan ku bilawnee shaxdan ayuu kusoo baxay goolhayaha kooxda Newcastle United ee Darlow oo sii buuxinaya booskii Dubravka balse wacdarro dhigaya kana caawiyay Magpies inay 3-1 kaga adkaadaan kooxda Burnley.

Labada daafac dhexe ee shaxdan ayaa ah Zouma oo gool kasoo dhaliyay kulankii ay Chelsea 4-0 kaga adkaatay Crystal Palace iyo Cresswell oo laba gool caawiye ka ahaa ciyaartii ay West Ham United 3-0 kusoo xaaqday Leicester City.

Daafaca midig ee shaxdan ayaa ah Serge Aurier oo gool ka dhaliyay Man United halka uu daafaca bidix yahay Benjamin Chilwell oo gool iyo caawin kasoo sameeyay kulankii ay Chelsea jiidhay Palace.

Afarta khad dhexe ee shaxdan ayaa kala ah John McGinn oo gool kasoo dhaliyay Liverpool xalay, Jorginho oo laba rigoore kasoo dhaliyay Palace, James Rodriguez oo laba gool iyo caawin usoo sameeyay Everton kulankii Brighton iyo Grealish oo laba gool iyo saddex caawimo ku dilay Liverpool.

Labada weeraryahan ee shaxdan ayaa kala ah Harry Kane oo laba gool iyo caawin kusoo kala dhantaalay Man United iyo Ollie Watkins oo saddexley goolal ah kasoo dhaliyay Liverpool.

Shaxda Oo Sawir Ah

Grealish and Watkins crush Liverpool to star in Premier League Team of the Week

 

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.