Kooxda Ugu Taageerayaasha Badan Aduunka Ee Horyaalka Premier League Oo Daraasad Cusub Lagu Soo Saaray Iyo Kala Saraynta Oo Dhamaystiran.

Taageerayaasha ay kooxaha Premier league ku leeyihiin aduunka oo dhan ayaa daraasad cusub lagu sameeyay waxaana lagu soo saaray kooxda ugu taageerada badan iyada oo qaaradaha kala duwan ee aduunka qiimayntan laga sameeyay.

Kooxda Manchester United ayaa loo magacaabay kooxda ugu taageerayaasha badan Premier League ee aduunka oo dhan kadib markii ay ka sare martay kooxaha kale ee waa wayn ee horyaalka Ingiriiska. Qiimayntan waxaa lagu sameeyay tirada dadkii kooxaha Premier League ka raadiyay Google Search muddadii tobanka sanadood ee ugu danbeeyay.

Kadib muddo toban sanadood ah oo qiimayntan lagu samaynayay Google Trends, waxaa , Footy.com lagu sameeyay daraasad si rasmi ah loogu cadeeyay in Manchester United tahay kooxda Premeir League ee ugu caansan aduunka oo dhan ee ugu taageerada badan.

Kooxda Chelsea ayaa si layaableh u soo gashay kaalinta labaad waxayna hoos iskaga riixday kooxda koobka Premier league xili ciyaareedkan ku guulaysatay ee Liverpool oo kaalinta saddexaad u dhacday.

Chelsea ayaa noqotay kooxda labaad ee horyaalka Premier league ugu taageerada badan ee qiimaynta aduunka laga sameeyay halka Arsenal ay kaalinta afraad qiimayntan ka gashay.

Manchester City oo xili ciyaareedyadii ugu danbeeyay ahayd kooxda koobabka ugu badan ku soo guulaysatay ayaa kaalinta shanaad kaga jirta qiimayntan halka Tottenham ay kaalinta lixaad ku soo baxday.

Manchester United waxay Yurub ka heshay 32 66 kun oo taageerayaal ah ee tiradii dadka qiimayntan laga sameeyay waxayna Chelsea oo Yurub kaalinta labaad kaga jirtaa heshay 3244 halka Liverpool ay Yurub kaalinta afraad ugaga jirto 3216.

Haddbada halkan kaga bogo xogta qiimaynta lagu kala saaray kooxaha Premier League ee ugu caansan aduunka ee ku salaysan xogta laga ururuiyay Google Search.

Man Utd are the most popular team in the world, according to a recent study

Marka la qiimeeyay 20 ka kooxood ee xili ciyaareedkan dhamaaday ku jiray tartanka Premier league waxaa qiimayntan halka ugu hoosaysa ka gashay kooxda Sheffield United.

Haddaba akhriste, miyaad xogta qiimayntan ku raacsan tahay in Man United ay tahay kooxda ugu taageerayasha badan kooxaha Premier League ee aduunka ugu caansan marka ay noqoto kooxaha Premier league?

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

12 Comments

  1. Waa qiimayn maqcuul ah coz United waa naadiga igu taageerada badan , inkastoo somaalida aan isleeyahay Chelsea ugu badan taagerada. City-taydu waaba soo roonaanaysa mar aan degmo somalia ku taal tegey 2014 anigu lama wiil oo kale bes aa taageri jirney 2020 aan ku laabtayna ciidaasay ka badnaayeen reer arsenal baa madax degsi uyimi malaa😂

  2. Meesha khiyaliga kala Taga aduunka hadii Laga Hadlayo chelsea Miya Liverpool ka Tagere Badan NacaLa Khuradkiina kuyaaL

  3. Meesha khiyaliga kala Taga aduunka hadii Laga Hadlayo chelsea Miya Liverpool ka Tagere Badan NacaLa Khuradkiina kuyaaL

  4. Waa qaymayn saxan qofka yaqaano sida wax loo qoro google hawaydiiyo waxba meesha ha cabaadine man utd waa kooxda ugu taageeraha badan premier league iyo aduunka oo dhan kubada cagta

  5. Why Africa iyo Asia u yihiin tirada taagerayaasha ugu bdn aduunka lasoo saaro!! Jwbta oo sahlan howl la’aan dartood bay isku mashquuliyan ciyaaraha

  6. Waa macquul in man unt tahay nadiga ugu tageeraha badan laakin 10 sano ee soo socda hoos uunbay u sii dhici man city na iyada kaalinta qabsan doonta mar ay ahaataba laakin man unt waxay kaalinta kobad ku heshay xiligii sir ku joogay ayay tageero fara badan lahayd laakin inta kadib hoos unbay u dhacaysay

Leave a Reply

Your email address will not be published.