KOOXDA SANADKA: Shaxdii Ugu Fiicnayd Horyaalada Yurub Xilli Ciyaareedkan Oo Xog Ku Salaysan & Goolhayaha Oo Lama Filaan Kugu Noqonaya

Xilli ciyaareedkan 2019-20 ayay suurogal tahay inuu noqdo midkii ugu layaabka badnaa taariikhda kubadda cagta, sababtoo ah xanuunka Korona Fayras, kubadda cagta caalamka ayaa gabi ahaanba mudo afar bilood ah hakad gashay.

Afar kamida shanta horyaal ee ugu waaweyn Yurub ayaa soo laabtay halka gabi ahaanba horyaalkii France ee Ligue 1 la kansalay iyadoo ay Axadii toddobaadkan gabi ahaanba soo dhammaadeen dhammaan tartamadii maxaliga ahaa.

Messi or Ronaldo? Maybe Lewandowski is the best team-mate - Muller ...

Horyaalka Talyaaniga ee Serie A ayaa ahaa midkii ugu dambeeyay ee lasoo af-meeray kaddib ku dhawaad 12 bilood oo uu socday iyadoo ay hanatay kooxda Juventus markeedii 9-aad oo xidhiidh ah walow ay kaliya hal dhibic kaga qaaday Inter Milan.

Haddaba, kaddib markii ay soo dhammaadeen horyaaladaasi, su’aasha taala ayaa ah waa kuwee 11-kii xiddig ee ugu wanaagsanaa dhammaan qaarada Yurub?

Shax ciyaareed laga sameeyay xiddigaha ugu wanaagsanaa Yurub xilli ciyaareedkan gaar ahaan horyaalada ayaa la sameeyay iyadoo lasoo xiganayo xog ururinta shabakada WhoScored oo qiimayn dhab ah ku samaysa xiddigaha kala duwan.

Goolhayaha shaxdan oo layaabka ugu weyn ah ayaa ah Jesse Joronen oo kooxda Brescia ee Talyaaniga ka tirsan halka ay labada daafac dhexe yihiin xiddigaha Premier League ee Virgil Van Dijk (Liverpool) iyo James Tarkowski (Burnley) oo isagu bandhig weyn soo sameeyay.

Daafaca midig ee shaxdan ayaa ah Ricardo Pereira oo Leicester City isku soo muujiyay halka uu afarta daafac dhammaystirayo da’yarka Bayern Munich ee Alphonso Davies.

Afar khad dhexe oo shaxdani leedahay ayay labadeeda dambe yihiin Kevin De Bruyne oo rekoodho badan kusoo sameeyay Man City iyo Premier League waxaana la midaysan Jadon Sancho.

Garbaha khadka dhexe ee shaxdan ayaa kala ah kabtanka Barcelona ee Lionel Messi iyo saxeexa cusub ee Chelsea ee Timo Werner oo xilli ciyaareed il-qabad leh kusoo sameeyay RB Leipzig.

Xiddigaha weerarka shaxdan ku midaysan ayaa kala ah mashiinada goolasha ee Robert Lewandowski oo xilli ciyaareedkii ugu fiicnaa noloshiisa ku jiray 51 goolna soo dhaliyay tartamada oo dhan iyo Cristiano Ronaldo oo booska saddexaad kaga dhammaystay gool dhalinta Yurub.

11-ka Xiddig & Qiimaynta Mid Kasta Ku Joogo

Jesse Joronen | Brescia | 7.0

 Ricardo Pereira | Leicester City | 7.5

 Virgil van Dijk | Liverpool | 7.3

James Tarkowski | Burnley | 7.2

 Alphonso Davies | Bayern Munich | 7.5

 Lionel Messi | Barcelona | 8.7

 Kevin De Bruyne | Manchester City | 8.0

 Jadon Sancho | Borussia Dortmund | 7.6

Timo Werner | RB Leipzig | 7.6

Robert Lewandowski | Bayern Munich | 8.1

Cristiano Ronaldo | Juventus | 7.8

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.