Koox Hogaanka U Qabatay Afarta Kooxood Ee Tartanka Ugu Jira Saxiixa Lionel Messi Xilli La Pulga Uu Boorsada Ka Qaadanayo Camp Nou

Lionel Messi ayaa u muuqda mid Neymar kula midoobaya Paris Saint-Germain ka dib markii ay kooxda Faransiiska ku soo biirtay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga reer Argentina.

Kabtanka Barcelona oo 33 sanno jir ah ayaa soo jeediyay inuu doonayo inuu kooxda isaga tago xagaagan ka dib xilli ciyaareed niyadjab ah uu wajahay.

Barca oo uu tababare u ahaa xilli ciyaareedkan Quique Setien ayaa waxaa horyaalka ka qaaday kooxda ay xafiiltamaan ee Real Madrid halka ay xasuuq 8-2 ah kala kulmeen Bayern Munich wareegii sideed dhamaadka Champions League.

PSG ayaa haatan ka mid noqotay kooxaha ugu cadcad saxiixa Messi iyadoo ay suurtogal tahay in isaga iyo Neymar ay ugu danbeyn dib u midoobaan.

Neymar iyo Messi ayaa afar sannadood ku wada qaatay Barcelona iyadoo xiddiga reer Brazil uu sheegay inuu doonayay inuu ku noqdo Barca xagaagii la soo dhaafay.

Si kastaba, burburka ku yimid Barcelona ayaa keeneysa in Neymar uu sii joogayo Paris iyadoo ay macquul tahay inuu caasimada Faransiiska ugu yimaado Messi.

Wakiilka Neymar oo lagu magacaabo Wagner Ribeiro ayaa xitaa yiri: “Sannadkii la soo dhaafay wuxuu diyaar u ahaa inuu baxo inuu ku laabto Barcelona ama uu aado Real Madrid.

“Maanta sidaasi xaalka ma ahan, waad arki kartaa sida uu u faraxsan yahay.

“Waa maxay sababta uu maanta uga tagayo PSG?

“Neymar waa uu faraxsan yahay, waxaan qabaa inuu PSG sii joogi doono ugu yaraan labo sannadood kale.

“Shaki la’aan waxaa maanta sahlan in Messi uu aado PSG halkii uu Neymar ku laaban lahaa Barcelona.

“Dhab ayay iga tahay, marnaba shaki ma gelin kartid awooda dhaqaale ee Qatar”

Tababaraha cusub ee Barcelona Ronald Koeman ayaa sheegay inuusan afduub ku heysan doonin Messi haddii uu doonayo inuu baxo.

Madaxda Barcelona ayaa ku kala qeysan waxa xiga ee dhici doona.

Haatan, PSG, Inter Milan, Juventus iyo Manchester City ayaa dhamaantood doonaya Messi.

Wararka Spain ka imaanaya ayaa sheegay in koox walba ay heysato awood ay ku soo jiidato Messi.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.