Kaddib Khilaafkii Borussia Dortmund Iyo Man United – Waa Kan Xiddiga Ay Red Devils Sida Degdegga Ah Ugu Dhaqaaqayso Heshiiskiisa

Manchester United ayaa ka fiirsanaysa inay dib uga laabato damacii kaga jiray weeraryahanka reer England ee Jadon Sancho oo Borussia Dortmund ay cirka ku geysatay qiimihiisa, isla markaana ay kasoo muuqanayaan khilaaf u dhexeeya labada kooxood.

Sancho oo 20 jir ah, wuxuu kaalinta koowaad kaga jiraa liiska ciyaartoyda bartilmaameedka u ah Manchester United, waxaana si weyn u doonayay tababare Ole Gunnar Solskjaer oo u calmaday saxeexa ugu horreeya ee kooxdiisa.

Warar soo baxayay usbuucyadii u dambeeyey ayaa ka farxinayay jamaahiirta Manchester United, waxaanay tilmaamayeen in wada-hadallo heerkoodu sarreeyo ay ku jiraan United iyo Borussia Dortmund, isla markaana laga gudbay caqabado badan oo markii hore yaallay.

Laakiin si lama filaan ah ayaa loo ogaaday in labada kooxood ay aad u kala fog yihiin, isla markaana ay jiraan caqabado sababay inay kala durkaan.

Manchester United ayaa ku hanjabtay inay joojinayso wax kasta oo ay kala xaajoonaysay Dortmund oo ku saabsanaa saxeexa Sancho, hase yeeshee Dortmund ayaa jawaab cad ka bixisay wararkan, waxaanay sheegtay in haba yaraatee aanay Manchester United wax xidhiidh ah kala soo samaynin Sancho. Sidoo kale, waxay meesha ka saartay in xataa cid dhexdhexaad ah oo ay Red Devils soo dirtay ay dhexdooda gashay.

Kaddib xaaladdan kasoo korodhay Sancho, Manchester ayaa ka fiirsanaysa inay u dhaqaaqdo ciyaartoy kale oo garabka weerarka midig ka ciyaara, isla markaana qiime ahaan aad uga jaban.

Weeraryahanka reer France ee Kingsley Coman oo Bayern Munich ka tirsan ayaa soo galay diiradda Red Devils waxaanay ka dhigan doonaan saxeex ay kaga maarmaan Jadon Sancho.

Kingsley Coman oo ay da’diisu tahay 24 jir ah, ayaa xili ciyaareedkan dhaliyey toddoba gool iyo toddoba caawimood.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.