Kaddib Guushii Barcelona Ee Xalay, Goorma Ayey Real Madrid Ku Guuleysan Kartaa Horyaalka, Maxayse Tahay Xaaladda Ugu Xun Ee Zidane Filanayo

Horyaalka waddanka Spain ee LaLiga ayaa kusii dhowaanaya dhamaadka, waxaana saddex ciyaarood u hadhsan yihiin Real Madrid oo hoggaanka haysa, halka Barcelona ay laba kulan oo kali ahi u dhiman yihiin.

Los Blancos ayaa ku ducaysanaysay in Barcelona ay dhibco lumiso kulankii Real Valladolid ee xalay, laakiin Arturo Vidal iyo Lionel Messi ayaa iskaga kaashaday sidii ay saddexda dhibcood u siin lahaayeen naadigooda, tartankana ugu sii hayn lahaayeen.

Real Madridd

Barcelona oo laga badin lahaa, waxay Real Madrid horyaalka hanashadiisa u dabbaal-degi lahayd Isniinta marka ay u tagto Granada, laakiin taasi may dhicin oo Barcelona ayaa saddex dhibcood oo muhiim u ahaa ka heshay Valladolid.

Saddexda ciyaarood ee u hadhay, Real Madrid waxay uga baahan tahay shan dhibcood, waxaana saddexda ugu horreeya ee u dhowayn kara hanashada horyaalku ay yihiin kuwa ay ka filayso inay Isniinta ka helaan Granada.

Haddii Granada ay kasoo badiyaan, Khamiista ayay Zidane iyo xiddigihiisu iskugu diyaarin doonaan inay Estadio Alfredo Di Stefano ugu dabbaal-degaan hanashada horyaalka waxaana ugu imanaysa Villareal, halka Barcelona ay isla waqtigaas garoonkeeda Camp Nou ku soo dhoweynaysaa Osasuna.

Xaaladda ugu xun ee Zidane filan karayo

Real Madrid waxay filan karaysaa xaaladda ugu xun oo ah in illaa kulanka ugu dambeeya ay isku dhegganaadaan Barcelona.

Haddii kulanka Isniinta Granada ama Khamiista ee Villarreal ay midkood siibtaan oo ay barbarro galaan ama laga badiyo, waxay Barcelona iska lulan doonaan illaa ciyaarta ugu dambaysa, laakiin waa haddii ay Barcelona badiso kulankeeda soo aaddan.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.