KOOXDA QARNIGA: Ka Hor Kulanka PSG vs Bayern Munich, Jamaahiirta Kubadda Cagta Oo Soo Xushay Ciyaaryahannadii Ugu Fiicnaa

Jamaahiirta kubadda cagta adduunka ayaa cod u qaaday shaxda kooxdii ugu fiicnayd abid ee ka ciyaartay tartanka Champions League, waxaanay natiijadu soo baxday ka hor kulanka Finalka Bayern Munich iyo PSG ay ku ballansan yihiin Axadda.

Xiddigaha Neymar iyo Kylian Mbappe ayaa waajahaya Robert Lewandowski iyo Thomas Muller Axadda soo socota, waxaana doorkan maqan Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi oo aanu midkoodna soo gaadhin semi-finalka markii ugu horreysay muddo 15 sannadood ah.

Bayern Munich waxay koobkan hore ugu soo guuleysatay shan jeer oo hore, waxaanay u dagaallamaysa in markeedii lixaad ay koobka qaadato si ay ugu biirto liiska kooxaha aan lagaga daba hadal guushan ee ay ugu horreyso Real Madrid, ayna soo raacaan AC Milan iyo Liverpool.

Afti laga qaaday taageereyaasha kubadda cagta adduunka ayaa waxa lagu soo xulay 11ka ciyaartoy ee ugu wanaagsanaa ee abid ka ciyaaray Champions League, waxaana kusoo baxay xiddigo waaweyn oo hadda kusii jiga garoomada iyo kuwo beri hore ka fadhiistay oo qaarkood ay tababareyaal yihiin waqtigan.

Codbixintan oo ay samaysay BBC Sports waxay jamaahiirtu soo doorteen koox dhamaystiran oo min goolhaye illaa weerar ah, balse layaabka jira ayaa ah in taageereyaashu ay soo xusheen ciyaartooyo aan waligood tartankan ku guuleysan.

Goolka: Gianluigi Buffon- Buffon waligii kuma guulyesan tartanka Champions League, waxaanay taageereyaashu u doorteen goolhayihii ugu wanaagsanaa ee tartankan ciyaaray. Waxa uu codadkii jamaahiirta helay 32%, halka Iker Casillas oo saddex jeer la qaaday Real Madrid uu kaalinta labaad soo galay oo uu 29% helay codadka taageereyaasha iyo Edwin van der Sar oo Manchester United kula guuleystay koobkan, isla markaana 14% ka helay codadka.

Difaaca: Dani Alves, Sergio Ramos, Paulo Maldini & Roberto Carlos

Jamaahiirtu waxay soo xusheen afartan difaac oo dhab ahaantii kusoo wada guuleystay koobka, laakiin waxa booska ka baxay oo meel ka waayay Philipp Lahm, Marcelo, Carles Puyol, Gerard Pique iyo xiddigo kale.

Halyeyga AC Milan ee Maldini ayaa 73% codadka urursaday.

Dhexda: Andres Iniesta, Xavi, Zinedine Zidane

Steven Gerrard ayaa boos ka waayey inkasta oo uu kooxdiisa Liverpool sannadkii 2005 finalkii mucjisada kula qaaday koobka iyagoo ku garaacay AC Milan.

Zinedine Zidane oo hadda ah tababaraha Real Madrid ayay taageereyaashu siiyeen dhexdii ugu fiicnayd ee ka ciyaarta Champions League, waxaanu helay 63% codadkii jamaahiirta

Weerarka: Lionel Messi, Thierry Henry, Cristiano Ronaldo

Lionel Messi oo afar koob oo Champions League ah kula guuleystay Barcelona iyo Cristiano Ronaldo oo shan jeer gacanta ku dhigay koobkan (4 Real Madrid ahaa iyo mid Man United ah) ayaa waxa soo raacay Thierry Henry oo finalka keenay Arsenal sannadkii 2006 balse koobkiisii ugu horreeyey oo ah midka kaliya ee Champions League ee uu haysto la qaaday Barcelona.

Kooxda oo dhan

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.