Jose Mourinho Oo Kooxdiisii Hore Ee Man United & Chelsea Ka Caawiyay In Uu Meel Ka Saaray Leicester City, Spurs Oo Dubatay Foxes Iyo Fursadaha Ka Soo Baxay.

Tottenham ayaa guul xili ciyaareedka kooxdeeda muhiimad waynu leh waxay ka gaadhay kooxda Leicester City waxayna guushani saamayn layaableh ku yeelatay tartanka loogu jiro Champions League iyo Europa League.

Kooxaha Manchester United iyo Chelsea oo kulankooda FA Cupka ku mashquulsan ayaa caawin wayn ka helay macalinkoodii hore ee Jose Mourinho oo guuldaro wayn u xambaariyay kooxda ay United iyo Blues ka seexan waayeen ee Leicester City.

Tottenham ayaa soo noolaysay rajadeeda kaalmaha Europa League loogu soo baxayo waxayna culays wayn saartay kooxaha badan ee ay Arsenal ugu magaca wayn tahay ee u tartamaya kaalmaha Europa League loogu soo baxayo.

Tottenham ayaa 3-0 ku dubatay Leicester City waxayna Foxes lumisay fursadii ay kaalinta saddexaad ugala bixi lahayd Chelsea laakiin hadda United ayuu Mourinho siiyay fursad cajiib ah halka Blues ay helayso fursad kale oo ay kaalinta saddexaad ku sii adkaysan karto.

Chelsea waxay kaalinta saddexaad ugu sii jiri doontaa 63 dhibcood, halka Leicester City ay kaalinta afraad ugu sii fadhiyi doonto 62 dhibcood inkastaoo kulanka Man United oo kaliyi uu baaqi u yahay waxayna United haysataa isla 62 dhibcood iyo laba kulan oo baaqi u ah.

Tottenham waxaa goolka furitaanka hadiyad uga dhigay xidiga kooxda Leicester City ee James Justin kaas oo isla daqiiqadii 6 aad ee bilawgii kulankan gool iska dhaliyay si uu Spurs ugu abuuro ku bilaabashadii ugu fiicnayd ee ay doonayeen.

Laakiin farxada Jose Mourinho ayaa sii laba jibaarantay daqiiqadii 37 aad markaas oo uu Harry Kane dhaliyay goolka labaad ee ay Spurs xaalada ugu sii xumaysay Leicester City.

Tababare Branden Rodgers ayaan xal u helin dhibaatada kooxdiisa eelabada gool looga dhaliyay waxayna taasi keentay in Tottenham ay bilawday sidii ay ciyaarta xili horeba u dili lahayd.

Xaalada Leicester City ayaa musiibo isku sii badashay daqiiqadii 40 aad kadib markii uu Harry Kane dhaliyay goolkiisa labaad ee ciyaarta iyo kan saddexaad ee kooxdiisa Spurs waxayna natiijadu noqotay 3-0 ay Tottenham hogaanka ku dheeraysatay.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa noqotay mid hal dhinac ka socotay waxayna Tottenham sii abuuratay fursad ay guusheeda meel ku sii saartay qaybtii hore.

Qaybtii labaad ee ciyaarta ayay Tottenham shaqadeeda ugu badani ahayd in ay ilaashato saddexdii gool ee ay hogaanka ku haysay waxayna taasi dhibaato waynku noqotay Leicester City oo awoodi kari wayday in ay soo laabasho samayn karto.

Wax walba oo ay leicester City iskugu dayday in ay rajadeeda xumayd badasho waxay awoodi kari waayeen in ay jabiyaan kooxda Jose Mourinho ee Tottenham.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3-0 ay Tottenham cashar ugu dhigtay Leicester City waxayna guuldarada soo gaadhay Foxes guul wayn u tahay kooxaha Man United iyo Chelsea.

Leicester City ayaa lumisay fursada ay kaalinta saddexaad ugu sii fadhisan lahayd laakiin waxay hadda lumisay fursadii fiicnayd ee ay u haysatay in ay Man United ama Chelsea ka saarto Champions league. Jose Mourinho oo shaqada kooxdiisa Tottenham gudnayay ayaa hadda caawin wayn siiyay kooxihiisii hore ee Man United iyo Chelsea.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.