Jose Mourinho Oo Farriin Ku JEEX-JEEXAY Arsenal Oo Dhawaan Baraha Bulshada Ugu Maadsatay Kooxdiisa Tottenham

Tababaraha kooxda Tottenham ee Jose Mourinho ayaa kooxda ay magaalada London ku xifaaltamaan ee Arsenal hadalo xoogan hawada u mariyay kaddib markii ay dhawaan ugu maadsadeen guuldarro ay kooxdiisu kala soo kulantay Sheffield United.

Tottenham ayaa guuldarro 3-1 ah dhawaan kulan Premier League ah kala soo kulantay dhigeeda Sheffield United xilli ay labada dhinacba tartan adag ugu jireen kaalmaha Champions League loogu soo baxo.

Mourinho

Guuldarradaas ayaa imanaysay maalmo kooban kaddib markii Gunners ay 1-2 kaga soo adkaadeen Sheffield isla gegida Bramall Lane kulan FA Cup ahaa.

Qoraalka lagaga maadsanayay Spurs ee lasoo dhigay bogga Arsenal ee barta Facebook ayaa ahaa mid lagu sheegay in lagu soo guuleysto gegida Bramall Lane inaysan u fududayn cidkasta.

Haddaba, Mourinho oo ah nin aad u hadal yaqaan ah ayaa isaga oo arrintaas ka hadlaya sheegay in koox wakhti wanaagsan ku jirtaa aysan ku mashquulin xumaanta kooxaha kale balse ay arrintaasi caddayn u tahay dhibaatada ay Arsenal dhex taagan tahay xilli ciyaareedkan.

Jose ayaa yidhi “Waxaan filayaa haddii ay ahaan lahaayeen kuwa ugu sarreeya horyaalka ama ay u dagaalami lahaayeen afarta sarre oo ay dhab ahaan ku jiri lahaayeen wakhti wanaagsan kumay raaxaysteen dhibaatooyinka kuwa kale”

“Waxaad kaliya ku raaxaysan kartaa dhibaatooyinka kuwa kale marka aad adigu sidoo kale dhibaato ku jirto, sidaas darteed waxaan filayaa inay ugu dambayntii tahay arrin in badan sidaas ah”

Tottenham ayaa Axada soo socota qaabilaysa Arsenal, kulankaas ayaa noqon doona mid labada kooxood ay ku dagaalami doonaan kaalmaha Champions League loogu soo baxo oo ay haatan dhibco door ah u jiraan.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.