Jose Mourinho Oo Daboolka Ka Qaaday Talada Kaliya Ee Uu Ka Helay Sir Alex Ferguson Intii Uu Joogay Manchester United – Muxuu U Sheegay?

Tababaraha Tottenham ee Jose Mourinho ayaa shaaciyey taladii uu ka helay macallinkii hore ee Manchester United ee Sir Alex Ferguson waqtigii uu joogay Old Trafford, halkaas oo laba sannadood iyo badh aanay guulo gaadhin uu ku qaatay.

Mourinho ayaa beddelay Louis van Gaal sannadkii 2016kii, waxaanu Red Devils u qaaday saddex koob oo uu ku jiray Europa League, laakiin December 2018 ayaa uu waqtigiisu soo dhamaaday, waxaana lagu beddelay Ole Gunnar Solskjaer oo si fiican u dhaqaajiyey naadiga, ka hor intii aanay waqti dambe kusoo laabanin guul-darrooyinku.

Sir Alex Ferguson oo shaqada ka fadhiistay sannadkii 2013, isaga oo kooxda usii qaaday horyaalka Premier League, waxa uu xilka ku wareejiyey David Moyes oo muddo kooban kaddib uu beddelay Louis van Gaal oo isagana uu uga sii dambeeyey Mourinho.

Muuqaal dhigane (documentary) ah oo dhowaan lasoo bandhigay ayuu tababare Jose Mourinho ku sheegay talada kaliya ee uu Sir Alex Ferguson ka helay muddadii uu Manchester United joogay ee labada sannadood iyo badka ahayd, waxaanay taladaasi ahayd mid sare loogu soo qaadayo niyadda ciyaartoyda, isla markaana kooxda lagu keenayo saxeexyo wanaagsan.

Mourinho oo sharraxaya waxay ahayd taladaasi ayaa yidhi: “Sir Alex Ferguson hal talo oo kaliya ayuu isiiyey labadii sannadood iyo badhkii aan joogay Manchester United. Waxay ahayd: Soo iibso Dele Alli.”

Sir Alex Ferguson taladiisa intan kuma joojin, laakiin waxa uu Mourinho u sharraxay hal dhibaato oo uu leeyahay Dele Alli, waxaanu yidhi: “Laakiin isagu (Dele Alli) maaha ciyaartoy ku wanaagsan tababarka, waxaanaynu u baahanahay inaynu u helno niyad-dhiska ugu habboon wiilkan.”

Inkasta oo Delle Alli aanu tegin Manchester United, haddana Jose waxa uu lasoo saxeexday 11 ciyaartoy oo kale muddadii uu Old Trafford joogay, waxaana ka mid ahaa Paul Pogba, Alexis Sanchez iyo Romelu Lukaku.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.