Jerome Boateng Oo SHAN Sano Oo Xabsi Ah Geli Kara & Ficilka Doqonimada Leh Oo Uu Kula Kacay Saaxiibtiisii Hore

Daafaca kooxda Bayern Munich ee Jerome Boateng ayaa qarka u saaran inuu xabsi shan sano ah galo kaddib markii banaanka la keenay weerar uu ku qaaday saaxiibtiisii hore ee Sherin Senler.

Boateng ayaa lagu armay inuu kasoo hormuuqdo maxkamad ku taala magaalada Munich 10-ka December iyadoo lagu soo oogay dambiga ah inuu weerar dhibaato jidh-ahaaneed geysanaya ku qaaday Sherin Senler.

Jérôme Boateng: Überraschende neue Freundin!

32 sano jirkan ayaa la sheegayaa inuu weerarka ku qaaday Ms Senler oo ah hooyada labadiisa hablood ee sagaal jirada mataanaha ah intii lagu gudo jiray fasaxii xagaaga.

Muuqaalka caddaynta u ah weerarka uu Boateng ku qaaday saaxiibtiisii hore ayaa la sheegayaa inuu kasoo muuqday xarumaha sharciga.

Nin u hadlay maxkamada lasoo taagayo Jerome Boateng ayaa shaaca ka qaaday in markii ugu horreysay ee cabashada ciyaaryahanku soo gaadhay ay ahayd sanadkii 2019 gaar ahaan bishii February.

Boateng ayaa sanadkii hore u sheegay saxaafada in waxa lagu soo oogay ay tahay arrin iyaga dhexdooda gaar u ah balse aan ku caddayn.

Il-wareedyo ree Germany ah ayaa sheegaya in daafaca kasoo jeeda magaalada Berling ay macquul tahay inuu xabsiga shanta sano ah ka badbaado marka xukunkiisu dhaco balse uu taas bedelkeeda bixin karo qadar lacageed oo aad u badan.

 

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.