“Iska Warran Bidaaraw, Kulanka Oo Dhan……” Akhriso Hadaladii Culusaa Ee Uu Lionel Messi Kula Qarxay Tababaraha Bolivia Oo Ay isku Dhaceen

Dunida kubadda cagta ayaa markale aragtay dhinaca xun ee kabtanka Barcelona iyo xulka qaranka Argentina ee Lionel Messi gaar ahaan kaddib markii lasoo bandhigay hadaladii uu kula hadlay tababaraha xulka Bolivia ee Lucas Nava.

Lionel ayaa kasoo caawiyay dalkiisa inuu dhaafo dhigiisa Bolivia xilli xiddigaha macalin Lionel Scaloni ay 2-1 uga adkaadeen Bolivia iyagoo labada gool ka kala helay Lautaro Martinez iyo Joaquin Correa.

Image

Si kastaba, kulankan ahaa isreeb-reebka koobka aduunka ayaa kusoo dhammaaday qaab fool xun kaddib markii ay labada dal isku dhaceen ciyaartii ka dhacday magaalada La Paz.

Sida laga soo xiganayo wargeyska TyC Sport, muuqaal hadda la helay ayaa muujinaya Lionel Messi oo af-lagaado u geysanaya tababare Lucas Nava intii isku dhacaasi socday.

Lionel Messi ayaa marka hore gacan qaadaya garsoorihii kulankii ka dhacay gegida Estadio Hernando Siles kahor intii uusan ku jeedsan macalinka Bolivia oo qudhiisu dhalasho ahaan Argentina kasoo jeeda.

Khabiir ku takhasusay akhrinta dabnaha dadka ayaa haatan shaaca ka qaaday in 33 sano jirkaasi uu Lucas Nava ugu wacay naanaysta bidaar isaga oo ka cadhaysnaa inuu kulanka oo dhan isaga kusoo qaylinayay.

“Iska warran bidaaraw? ayuu Messi ku yidhi Nava isaga oo raaciyay erayo aad u fool-xun oo uu hooyadii wax kaga sheegayo.

Leo oo hadalkiisa sii wata ayaa ku yidhi tababaraha Bolivia “Waad cabaadaysay kulanka oo dhan, maxaad qabanaysaa? keydka ayaad aniga igaga soo qaylinaysay kulanka oo dhan”

 

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

3 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.