Ka Hor Kulanka Liverpool & Chelsea- Midkee Xog Ahaan Ku Sareeya Roberto Firmino Iyo Timo Werner

Weeraryahanka cusub ee kooxda Chelsea ee Timo Werner ayaa kulankiisii ugu horreeyay ee tartan ah ee uu mudada dheer sugayay Blues u ciyaaray habeenimadii Isniintii markaas oo ay guul 3-1 ah kasoo gaadheen kooxda Brighton.

Kaddib markii uu bishii June ka yimid dhinaca kooxda RB Leipzig, Timo ayay saddex bilood ku qaadatay inuu sugo ciyaaristiisa kulanka ugu horreeya ee Chelsea.

Why Timo Werner is a perfect replacement for Roberto Firmino at Liverpool - explained in three charts

Werner ayaa kamid ahaa xiddigaha ugu fiicnaa kulankii ay Chelsea kasoo guuleysatay Brighton isaga oo ahaa mid xawaare ahaan dheeraynaya isla markaana si wanaagsan ula xidhiidhaya xiddigaha kale ee kooxdiisa taas oo xiiso galisay jamaahiirta Chelsea.

Laakiin mid kamida shaqsiyaadka uusan wali Werner ku guuleysan kuna qancin ciyaartiisa ayaa ah khabiirka Sky Sports ahna xiddigii hore ee Liverpool ee Jamie Carragher.

Carragher ayaa kaddib kulankii Chelsea ee Isniintii sheegay inuusan Werner boos ka heleen saddexleyda weerar ee Liverpool isagoo ka ciyaari kara booska garabka bidix iyo waliba midkiisa asalka ah ee weeraryahanka dhexeba.

Carragher oo Werner ka hadlayay ayaa yidhi ‘”Wakhti xaadirkan isagu muu galeen saddexleyda afka hore ee Liverpool”

“Marka aad ku daawato Leipzig, waxaad ka fikiraysaa inta uu jecel yahay inuu ka ciyaaro garabka bidix, waxaad filaysaa in weeraryahanka ugu weynaa Premier League uu ahaa Theirry Henry kaas oo xiisayn jiray garabka bidix”

“Isagu (Werner) waxa uu ka ciyaari karaa garabka bidix ee saddexda afka hore laakiin inta badan waxa uu noqon doonaa weeraryahan dhexe”

Haddaba, waxaanu halkan idiinku soo bandhigaynaa isbar-bardhiga Firmino iyo Werner ee xilli ciyaareedkii dhammaaday oo ay samaysay shabakadda GiveMeSport.

XOGTA FIRMINO IYO WERNER EE 2019-20

Kulamada Ay Ciyaareen | Werner: 45, Firmino: 52

Daqiiqadaha Ay Ciyaareen | Werner: 3,588, Firmino: 3,919

Goolasha ay dhaliyeen | Werner: 32, Firmino: 12

Daqiiqadaha ay cel-celis ahaan gool ku dhaliyeen | Werner: 106, Firmino: 327

Darbooyinka ay goolal u bedeleen boqoley ahaan | Werner 21.3%, Firmino: 9.8%

Caawimooyinka| Werner: 12, Firmino: 12

Goolasha Iyo Caawimooyinka | Werner: 46, Firmino: 24

Fursadaha Ay Abuureen | Werner: 69, Firmino: 73

Fursadaha ay abuureen cel-celis ahaan kulankiiba | Werner: 1.7, Firmino: 1.7

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.