Intii Uu Premier League Ka Ciyaarayay Waxa Uu Qarsanayay Khaniisnimo, Haddana Wuu Cadaystay.

Laacibkii hore ee kooxda Hull City ee Thomas Beattie ayaa noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee horyaalka Premier League ka ciyaara ee qirta inuu Qowmu-luud yahay, kaddib muddo soddon sannadood ah oo aan Ingiriiska lagu arag ciyaartoy soo raaca Justin Fashanu oo 1990kii dhaqan xumadan inuu yaqaano shaaciyey.

Thomas Beattie oo kasoo jeeda Goole ee deegaanka Yorkshire, waxa uu caddeeyey inuu ragga wax ka deyi jiray illaa markii uu ciyaartoyga ahaa ee uu garoomada ku jiray, laakiin uu ku dhiirran waayay inuu u badheedho inuu dadweynaha la wadaago dhaqan xumadiisa.

Thomas Beattie
Thomas Beattie

33 jirkan oo kasoo baxay kulliyadda da’yarta Hull City, waxa uu muddo toban sannadood ka badan ka ciyaaray kooxo ka dhisan waddamada Maraykanka, Canada iyo Singapore.

Laacibkan hore oo waqtigan joojiyey ciyaaraha kubadda cagta, iskuna beddelay ganacsade, waxa uu hadda ku nool yahay waddanka Singapore oo uu ka bilaabay ganacsi uu kaga maarmay ciyaarihii uu dhaqaalaha ka raadsan jiray, waxaanu hadda daboolka ka qaaday edeb-darradiisa.

Waraysi uu siiyey Advocate, ayuu ku qirtay inay culays badan ahayd inuu qirto dhaqan xumada uu yaqaano oo aanu dadka usoo bandhigin, laakiin aanu intaas wax ka badan sii qarsan doonin, waxaanu sidaas ku noqday ciyaartoygii saddexaad ee Ingiriiska ka ciyaara ee ficilladii lagu halaagay Qowmu Luud sameeya.

Waxa ka horreeyey Fashanu, xiddigii Germany ee Thomas Hitzlsperger iyo Robbie Rogers oo Maraykanka u dhashay.

 

 

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.