Iib Maaha!! Xiddiga Ay Bayern Munich Ka Doonaysay Real Madrid Balse Ay Los Blancos Iibkiisa Ka Dhaarteen Oo La Ogaaday

Kooxda ree Germany ee Bayern Munich ayaa la sheegayaa inay gudaha suuqii dhawaan xidhmay damacday saxeexa khadka dhexe ee Real Madrid ee Federico Valverde oo xilli ciyaareedkii muhiim muhiim kasoo ahaa qorshaha Zinadine Zidane.

Inuu Thiago Alcantara ka tagay Bayern oo uu Liverpool ku biiray ayaa qalbi jab ku ahayd kooxdaasi balse aan waxa lama filaan ah ku noqon maadaama oo heshiiskiisa kaliya hal sano ka hadhsanaa.

Bayern ayaa ogayd inay u baahantahay inay soo xoojiso kooxdeeda waxaana ay lasoo saxeexatay Leroy Sane, Bouna Sarr, Douglas Costa, Tanguy Nianzou iyo Marc Roca.

Dhibaatada ugu weyn ee haysatay Munich iyo booska ay baahida ugu badan u qabtay inay xoojiso ayaa ahaa khadka dhexe, marka laga yimaado inay Marc Roca xilli dambe keensadeen ayay muhiimada koowaad u ahayd helitaanka Valverde.

Bavaria ayaa doonaysay saxeexa xiddig khad dhexe ah oo awood jidh ahaaneed leh isla markaana kubadda hore u riixi kara waxaana halka ugu sarreysa kaga jiray liiska xiddigaha ay doonayaan Federico.

Jawaabta ay Bayern heshay ayaa ahayd mid si isku mid ah uga timid ciyaaryahanka iyo Real Madrid oo labaduba diiday maadaama da’yarka ree Uruguay uu hadda kaliya doonayo inuu u ciyaaro oo uu koobab kula guuleysto Los Blancos.

Bayern iyo Real ayaa ah kuwo maamulkoodu xidhiidh wanaagsan leeyahay kana mid ah dhawr kooxood oo suuqa isku ixtiraama oo aan ciyaaryahanada taatikooyin weerar ah ku kala qaadan.

Valverde ayaa walow ay Bayern aaminsan tahay inuu kooxdeeda ku haboon yahay doonaya kuna faraxsan sii joogista Bernabeu oo uu heshiiskiisa sanadkii hore uun kordhiyay.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.