Ii Keena!! – Jurgen Klopp Oo Qorshahiisa Suuqa Xagaaga Hordhigay Madaxda Liverpool & LABADA Xiddig Ee Uu Dalbaday

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa la sheegayaa inuu qorshahiisa suuqa kala iibsiga la wadaagay madaxda sarre ee kooxdaas isla markaana uu liiska u saaray tiraba laba ciyaaryahan oo uu saxeexa doonay.

Tiro ciyaartoy ah ayaa lala xidhiidhinayaa Anfield xilli ay Liverpool isha ku hayso inay sii wado qabsashadeeda kubadda cagta England ee xilli ciyaareedkan.

Wargeyska ree Germany ee Bild ayaa toddobaadkan gudihiisa sheegay in Jurgen Klopp uu Liverpool weydiistay inay dhammeeyaan saxeexa khadka dhexe ee Bayern Munich ee Thiago Alcantara.

Warar kale oo cusub ayaa hadda sheegaya in Klopp uu sidoo kale kooxdiisa ka dalbaday saxeexa weeraryahanka kooxda Lille ee Victor Osimahen oo ay kooxo kale oo badani xiisaynayaan.

Kaddib markii iyaga oo mudo xiiso u qabay saxeexa Timo Werner ay Chelsea ugu dambayn ku garaacday, Klopp ayaa wali u muuqda inuu sameeyo wax ka caawin kara inuu sii xoojiyo safkiisa.

Laakiin waxa iska cad oo ay u badan tahay in aragtida madaxda sarre ee Liverpool aysan isbedeli doonin iyadoo ay waxkasta tilmaamayaan xaqiiqada ah in kooxda Anfield ka ciyaartaa aysan saxeexyo waaweyn samayn doonin suuqa soo socda.

Klopp ayaa dhawr jeer saxaafada horteeda kaga hadlay xaalada dhaqaale ee kooxdiisa dhexdeeda ka taagan waxaana uu sheegay inay arrintu sidaas tahay oo ay saxeexyo waaweyni adkaan doonaan.

“Si aad u xoojiso safkaaga waxaad u baahan tahay lacag kuwanian waa wakhtiyo hubaanti la’aan ah” ayuu Klopp yidhi maalmo kahor kulankii ay guuldarrada kala kulmeen Arsenal.

Liverpool transfer news rated as Thiago Alcantara 'agrees terms ...Liverpool transfer round-up: Reds set to miss out on Nigeria ...

 

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.