Ii Keena!! Cristiano Ronaldo Oo Saxeexa Sergio Ramos Ka Codsaday Juventus & Sababta Keenaysa Inay Deg-Deg U Midoobaan

Weeraryahanka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa lasoo warrinayaa inuu saxeexa kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos ka codsaday kooxdiisa xilli ay jirto sabab ay mudo gaaban dhexdeed ugu midoobi karaan.

Si lamid ah Juventus, kooxda doonaysa saxeexa Ramos ayaa ah Paris Saint-Germain iyadoo sababta uu ula midoobi karo Ronaldo dhawaan ay tahay in heshiiskiisa Real Madrid uu dhacayo dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Ramos ayaa ahaa mid soo joogay oo wakhtigiisii ugu fiicnaa xirfadle ciyaaryahanimo kusoo qaatay Real Madrid tan iyo markii uu xagaagii 2004 kaga soo biiray dhinaca Sevilla.

Xiddiga heer caalami ee ree Spain ayaa halyeey ka noqday Santiago Bernabeu iyadoo ay taariikhda kooxdiisa kaliya kulamo ka badan isaga soo ciyaareen Raul, Iker Casillas iyo Manuel Sanchis,

Sidoo kale Sergio ayaa koobab tiro badan kula soo guuleystay Los Blancos waxaana ugu muhiimsan shan horyaal La Liga iyo afar Champions League.

Iyadoo qandaraaskiisa kooxdu uu yahay mid dhacaya dhammaadka xilli ciyaareedkan oo ah badhtamaha 2021, waxa cirka ku shareeran wararka xanta ah ee la xidhiidhinaya inuu iskaga tagayo Madrid.

Sida uu sheegayo wargeyska Ok Diario, Ronaldo ayaa ka dalbaday kooxdiisa Juve inay qaab bilaash ah kula soo wareegaan Sergio.

Labada ciyaaryahan ayaan mudo laba sano ah soo wada hadal sida ay saxaafadu sheegayso iyadoo ay ku kala cadhoodeen aragtidoodii in Luka Modric uu Ronaldo kaga guuleystay Ballon d’Or 2018.

Ugu dambayn, khilaafka labada ciyaaryahan ayaa dhawaan dhinac u dhacay iyagoo ka heshiiyay kaddib markii ay ku kulmeen kulankii saaxiibtinimo ee Spain iyo Portugal dhex maray.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.