“Houssem Aouar Wuu U Ciyaari Karaa Real Madrid Laakiin……” Zinadine Zidane Oo Meel Saaray Wararka La Xidhiidhinaya Aouar.

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinadine Zidane ayaa ka hadlay wararka kooxdiisa la xidhiidhinaya khadka dhexe ee Lyon ee Houssem Aouar oo ay warbixino dhawaan soo baxay sheegayaan in laga doonayo Estadio Santiago Bernabeu.

Real ayaan ahayn kooxda kaliya ee lala xidhiidhinayo saxeexa kubad sameeyahan balse sidoo kale waxa lala xidhiidhinayaa kooxda Premier League ee Arsenal oo xiisaha ugu badan u muujinaysa iyo Paris Saint-Germain.

Zidane oo hadda ka hadlayay wararkaas ayaa sheegay in Aouar uu yahay ciyaaryahan wanaagsan oo uu maalin ka ciyaari karo Real Madrid balse aysan wakhtigan doonayn oo ay xilli ciyaareedka ku galayaan safka uu hadda haysto.

Zizou oo ka hadlayay shirka jaraa’id ee kahor kulanka Levante hadlayay ayaa yidhi “Anigu ma garanayo xogta aad isaga ka hayso, isagu waa ciyaaryahan heer sarre ah, wax shaki ah kama qabo midaas”

“Malaha maalin wuu ka ciyaari karaa Real Madrid, laakiin wakhti xaadirkan safkan ciyaartoyda ah ayaanu haysanaa waxaananu hore ugu soconaynaa ciyaaryahanada aanu haysano”

Dhinaca kale, Zidane ayaa ka hadlay haddiiba uu ka wer-wersan yahay dhaawacyada sii kordhaya ee kooxdiisa iyadoo ay Dani Carvajal iyo Odriozola oo isku boos ahi yihiin xiddigihii ugu dambeeyay ee liiska dhaawacyada ku biiray.

“Maya anigu kama wer-wersani laakiin ma jecli, waxaan in badan u wer-wersanahay ciyaaryahanada dhaawacan, laakiin intayada kale hore ayaanu u socon doonaa, waxaananu ku socon doonaa ciyaaryahanada aanu u haysano hantidayada”

 

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.