“Horyaalka Way Ku Guuleysteen Laakiin…….” – Frank Lampard Oo Banaanka Keenay Wixii Ay Xalay Isku Qabsadeen Jurgen Klopp

Tababaraha kooxda Chelsea ee Frank Lampard ayaa shaaca ka qaaday wixii uu xalay ka cadhooday ee sababay inay hadalo agagaarka kursiga keydka isku dhaafsadaan tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp.

Xalay ayay ahayd habeenkii loo balansanaa in Liverpool ay kor u qaado horyaalkeedii ugu horreeyay ee Premier League ah waxaana ay kulan goolal badnaa 5-3 ku xaaqeen Chelsea oo marti u ahayd iyagoo farxadii guusha iyo midii koobka is-raacsaday.

Waxa ay labada tababare ku murmeen ayaa ahaa taako uu Mateo Kovacic ku qabtay Sadio Mane, xiddiga ree Croatia ayaa u muuqday mid kubadda taabtay oo riixay kahor inta uusan Mane dhulka gelin.

Qaladkaas oo ahaa midka uu Lampard ka cadhooday kalana hadlayay garsoorihii afraad ee kulanka ee ag-taagnaa ayay qaar kamida shaqaalaha Reds isku dayeen inay soo dhex galaan.

Intaas kaddib macalinka Blues oo si weyn u cadhooday ayaa erayo xoogan u adeegsaday Klopp iyo shaqaalihiisa tababarka isaga oo ku yidhi hadalo ay kamid ahaayeen “F**k off, waxaad ku guuleysateen hal horyaal”

Si kastaba, Lampard oo kulanka kaddib arrintaas ka hadlay ayaa sheegay inuusan wax dhib ah ku qabin Klopp isla markaana amaanay qaabka uu tababaraha ree Germany kooxdiisa usoo abaabulay balse ay tahay in Liverpool aysan kibrin.

“Aniga ahaan ma aysan ahayn qalad ka yimid Kovacic, waxaana jiray arrimo badan oo aan dhinacayaga u socon” ayuu yidhi Lampard.

“Laakiin anigu dhibaato kuma qabo Jurgen Klopp, qaabka uu u maamulay kooxdani waxa ay ahayd mid cajiib ah”

“Ciyaar cadaalad ah kooxda kubadda cagta Liverpool, waxay ku guuleysteen horyaalka laakiin sidoo kale aad hawgu kibrina”

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.