Hore Looma Arag!! Tababare Uga Qayb Qaadan Kara Xulka Ukraine Ciyaarta France & Sababta Qasbaysa Mucjisadaas

Xulka qaranka Ukraina ayaa la filayaa inay safkooda kulanka ay la ciyaarayaan xulka keydka soo fadhiisin doonaan tababare ku xigeenkooda Oleksandr Shovkovskiy oo ay ka dhigi doonaan goolhayaha bedelka ah walow uu afar sano kahor hawl-gabay.

Ukraine ayaa ku qasbanaatay inay isbedelo ku samayso safkeeda goolhayayaasha kaddib markii ay shaqsiyaadkii booskaas takhasuska ugu ahaa qaadeen xanuunka Korona taas oo ku qasabtay inay Oleksandr oo 45 sano jir ah keydka u magacaabi doonaan.

Tababare Andriy Shevchenko ayaa madax xanuun la kulmaya maadaama oo uu haysto hal goolhaye oo kaliya oo taam ah waana Georgiy Bushchan kaddib markii ay saddexdiisii goolhaye ee kale qaadeen caabuqa Korona.

Taas bedelkeeda Oleksandr Shovkovskiy oo 45 sano jir ah isla markaana markii ugu dambaysay ee uu xulka qaranka Ukraine u ciyaaraa ay ahayd 2012 haatana doorka tababare ku xigeenimo haysta ayaa booskooda buuxin doona isagoo keydka fadhiisan doona.

Warbixin uu xulka Ukraine kusoo bandhigay sida ay wax u jiraan ayaa lagu sheegay inaysan doonayn inay garoonka soo geliyaan Shovkovskiy balse ay keydka soo fadhiisin doonaan iyagoo kaliya garoonka lasoo geli doona haddii uu kulanka ku dhaawacmo Bushchan ama ay dhib kale gaadho.

Baadhitaankii ugu dambeeyay ee laga qaaday xiddigaha Ukraine ee xanuunka la xidhiidha ayaa natiijadiisa maanta la filayaa.

Goolhayaha dookha labaad ee Real Madrid ee Andriy Lunin iyo Yuriy Pankiv ayaa labadaba laga helay caabuqa Korona, si lamid ah ninka cuno karinta u qaabilsan xulka.

Goolhayaha dookha koowaad ee shaxda Andriy Shevchenko oo ah Andriy Pyatov ayaan loo magacaabin liiska France kahor tagaya maadaama isaga horeba xanuunka looga helay.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.