Hordhacyo: Barcelona vs Sevilla & Real Madrid vs Levante – Kulamada Xaasaasiga Ah Ee Maanta, Shaxaha Macquulka Ah Iyo Wararkii U Dambeeyey

Barcelona ayaa tijaabadii ugu weynayd maraysa intii uu horyaalka LaLiga bilaabmay xili ciyaareedkan, waxaanay qaabbilaysaa Sevilla oo uu hormood u yahay xiddigoodii hore ee Ivan Rakitic, waxaanay ciyaartani halbeeg u noqonaysaa inta ay gaadhsiisan tahay isku-dubbaridka tababare Ronald Koeman oo guulo waaweyn kasoo hooyey kulamadii hore.

Real Madrid ayaa iyaduna u tegaysa Levante iyadoo Zinedine Zidane uu la dhibaatoonayo dhaawacyo tiro badan oo kooxdiisa soo gaadhay, waxaana ugu dambeeyey Dani Carvajal iyo Odrioziola oo isbeddeli lahaa oo mar kaliya sariirta dhaawacyada isku raacay.

Kulanka xamaasadda badan ayaa ah  Barcelona iyo Sevilla oo labaduba qaab ciyaareed wanaagsan ku jira, isla markaana min laba ciyaarood oo horyaalka ah soo dheelay, min lix dhibcoodna haysta.

Ronald Koeman ayaa bandhig wanaagsan iyo guulo ku bilowday waayihiisa tababarenimo ee Barcelona, waxaana ciyaartii hore ay 4-0 ku khaarajiyeen Villarreal, iyagoo kusii xigsiiyey Celta Vigo oo iyadoo hal ciyaartoy ka maqan yahay haddana 3-0 ay ku garaaceen.

Sevilla oo uu tababare Julen Lopetegui wato ayaa waxay iyaduna la raaxaysanaysaa labadii guulood ee ay ka heshay Cadiz oo kasoo dallacday heerka labaad iyo Levante, balse waxa khasaare kasoo gaadhay UEFA Super Cup oo Bayern Munich ay koobka kaga guuleysatay.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Barcelona vs Sevilla

Tartanka: LaLiga

Waqtig: 10pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Camp Nou

Wararkii u dambeeyey ee labada kooxood

Barcelona waxa ka maqan Clement Lenglet oo casaan la siiyey kulankii Celta Vigo, waxaana beddelaya Ronald Araujo oo ka garab ciyaari doona Gerrard Pique.

Samuel Umtiti ayaan wali kasoo kabanin dhaawac jilibka ah, sidaas oo kalena waxa aan diyaar ahayn Junior Firpo.

Shaxaha macquulka ah ee labada kooxood

Barcelona: Neto; Roberto, Araujo, Pique, Alba; De Jong, Busquets; Griezmann, Coutinho, Fati; Messi

Sevilla: Bono; Navas, Kounde, Carlos, Acuna; Jordan, Fernando, Rakitic; Ocampos, En-Nesyri, Munir.

Levante vs Real Madrid

Real Madrid oo raadinaysa guusheedii saddexaad ee xili ciyaareedka ayaa u tegaysa Levante, waxaana Zidane uu u halgami doonaa sidii uu saddexda dhibcood uga soo qaadan lahaa, xilli ay dersin ciyaartoydiisa ahi dhaawac ku maqan yihiin.

Dani Carvajal oo laba bilood garoomada ka maqnaan doona ayaa waxa ka daba tegay Alvaro Odioziola, waxaanay liiska dhaawacyada kula biireen Eden Hazard, Eder Militao, Mariano Diaz iyo Toni Kroos.

Laakiin laacibka reer Spain ee Marco Asensio ayaa lagu soo daray liiska kooxda isaga oo kasoo laabtay dhaawac.

Shaxaha macquulka ah ee labada kooxood

Levante: Fernandez; Son, Duarte, Vezo, Tono; Bardhi, Radoja, Vukcevic, Campana; Morales, Roger Marti

Real Madrid: Courtois; Vazquez, Varane, Ramos, Mendy; Casemiro, Modric, Valverde; Vinicius, Benzema, Asensio

Waqtiga: 5pm – Saacadda Geeska Afrika

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.