Hordhac: Real Madrid vs. Villarreal – Los Blancos Oo KOOBKA Qaadanaysa, Dabinnada Villarreal Iyo Shaxaha Macquulka Ah

Real Madrid waxay garoonkeeda Alfredo Di Stefano ku qaabilaysaa Villarreal, waana ciyaartii ay Zinedine Zidane, ciyaartoydiisa  iyo taageereyaasha Real Madrid sugayeen ee ay ku hanan kari lahaayeen horyaalka xili ciyaareedka 2019-20.

Los Blancos oo waqtigan afar dhibcood ka horreysa Barcelona oo kaalinta labaad kaga jirta miiska  kala tarraynta horyaalka LaLiga, xilli laba ciyaarood oo kali ahi hadhsan yihiin, waxay u baahan tahay inay guul ka keento ciyaartan si ay koobka ugu dabbaal-degto isla maanta iyadoo garoonkeeda joogta.

Madrid ayaa jid dheer usoo martay inay hanato horyaalka, waxaanay soo garaaceen Barcelona oo labadii ciyaarood ay midna ka badiyeen midna barbarro ku qabteen, sidoo kale waxay u jilib dhigeen Atletico Madrid, waxaana iyagoo qaab wanaagsan ku jira xilli dambe ay la kulmeen laba guul-darro oo sabab u noqday inay Barcelona laba ciyaarood hoggaanka ku qabato.

Markii lagu soo laabtay horyaalka, waxay bilaabeen guulo xidhiidh ah iyagoo dhamaan sagaalkii ciyaarood ee illaa hadda ay ciyaareen soo wada badiyey, waxaana ugu dambaysay Isniintii oo ay Granada kala soo laabteen guul ay ku dhibaatoodeen.

Ferland Mendy iyo Karim Benzema ayaa kooxda Zidane kusii hayay dariiqa guusha oo u dhaliyey laba gool oo ay dhibcaha kaga qaadatay Granada, waxaana hadda u hadhsan laba ciyaarood oo ay Villarreal iyo Legane la kala ciyaari doonto, waxayse kaliya u baahan yihiin si ay koobka u qaataan in kulanka caawa ay badiyaan.

Laakiin Real Madrid waxa kale oo ay koobka ku qaadi karayaan haddii Barcelona ay guul-darraysato ciyaarta ay Osassuna la leeyihiin isla marka ay bilaabmayso toodu, waxaana markaas ay Los Blancos u dabbaal-degi kartaa horyaalka xataa haddii iyaga laga badiyo.

Dhinaca kooxda martida ah, qaabkoodu muu wanaagsanayn intii ay ciyaaruhu dib u bilowdeen, waxaanay laba ka mid ah saddexdoodii ciyaarood ee ugu dambeeyey la kulmeen guul-darrooyin ay u xambaariyeen Barcelona iyo Real Sociedad.

Yellow Submarine waxay xili ciyaareedkan soo diiwaangashatay 17 guulood, lix barbarro ah iyo 13 laga badiyey, iyadoo haysata 57 dhibcood, waxaanay saddex dhibcood ka dambeeyaan Getafe oo kaalinta lixaad ku jirta iyo Real Sociedad oo toddobaad fadhida.

Lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee horyaalka, Real Madrid waxay soo wada qaadatay dhamaan 18kii dhibcood ee suurtogalka ahaa iyagoo soo wada guuleystay, laakiin Villarreal ayaa dhinaceeda heshay 10 dhibcood oo ugu yimid saddex guulood, hal barbarro ah iyo laba laga badiyey.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Real Madrid vs Villarreal

Tartanka: LaLiga, kulamada 37aad

Waqtiga: 10pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Alfredo Di Stefano

Wararkii ugu dambeeyey ee labada kooxood

Madrid waxa ka maqan difaaca reer Brazil ee Marcelo, laakiin waxa usoo laabtay Nacho oo lagu soo daray liiska ciyaartoyda kulanka. Sidoo kale Mariano ayaa  uu Zidane ugu yeedhay ciyaartan kaddib maalmo uu dhaawac ahaa iyo Luka Jovic oo isaguna kasoo baxay shaki laga qabay fayraska Korona.

Ma jiraan waxyaabo kale oo walaac geliya Zinedine Zidane, waxaana taam ah Marco Asensio iyo Eden Hazard oo ciyaartii Granada la nasiyey inkasta oo laacibka reer Spain uu waqti dambe soo galay.

Asensio iyo Hazard ayaa la filayaa inay safka koowaad kusoo bilaaban doonaan oo ay beddeli doonaan Isco iyo Valverde oo Isniintii kusoo bilowday, laakiin saddexda rukun ee khadka dhexe ee Luka Modric, Casemiro iyo Toni Kroos ayaa boosaskooda xajisan doona, iyadoo shaxda Los Blancos ay noqon doonto 4-3-3.

Vinicius Junior iyo Rodrygo Goes ayaa iyaguna taam u ah kulankan oo uu Zidane u isticmaali karaa beddel ahaan, in kasta oo laga yaabo in Hazard iyo Asensio uu midkood booska ka cidhiidhsado.

Dhinaca Villarreal, waxa dhaawac ku maqan Ramiro Funes Mori iyo Carlos Bacca, waxaana xaaladda kusii xumaynaya Mariano Barbosa oo ganaag ah.

Gerard Moreno iyo Vicente Iborra ayaa taam u ah kulankan, sidoo kale Paco Alcacer ayaa kasoo laabtay dhaawac uu ku seegay ciyaartii Socidad, halka Mario Gaspar iyo Samuel Chukwueze ay kusoo bilaaban doonaan.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood

Real Madrid: Courtois; Carvajal, Varane, Ramos, Mendy; Modric, Casemiro, Kroos; Hazard, Benzema, Asensio

Villarreal: Asenjo; Gaspar, Albiol, Torres, Moreno; Chukwueze, Iborra, Anguissa, Cazorla; Moreno, Alcacer

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.