Hordhac: Real Madrid vs. Alaves – Zidane Oo Difaac La’aani Haysato, Hanashada Horyaalka Oo Los Blancos Kusii Dhowaanayso Iyo Shaxda Macquulka Ah

Real Madrid ayaa garoonkeeda Alfredo di Stefano ku qaabilaysa kooxda Alaves, waxaanay u baahan tahay guul ay afar dhibcood hoggaanka horyaalka LaLiga ugu qabato, isla markaana ay kaga fogaato Barcelona xilli saddex ciyaarood dambe u hadhsanaanayaan marka kulankani dhamaado.

Real Madrid oo hoggaanka horyaalka LaLiga haysa, kuna sii dhowaanaysa hanashadiisa haddii ay ciyaarta caawa guuleysato, waxay qaabilaysaa Alaves oo kaalinta 16aad kaga jirta miiska kala-sarraynta, una halgamaysa inay sii kordhisato lix dhibcood oo ay badqab ku dareemayso oo ay ka horreyso kooxda kaalinta 18aad ku jirta.

Real Madrid Vs. Alaves
Real Madrid Vs. Alaves

Kooxda tababare Zinedine Zidane oo soo guuleysatay dhamaan kulamadeeda intii uu horyaalku dib u bilaabmay, waxay caawa garoonka soo galaysaa iyadoo ay ka maqan yihiin rukumada difaaca ee Sergio Ramos iyo Dani Carvajal oo ganaax ah iyo Marcelo oo dhaawac ku maqan.

Guul ay ka gaadhaan Alaves, waxa Real Madrid u hadhsanaan doona saddex kulan oo ay ku waajihi doonto Granada, Villarreal iyo Leganes, waxaanay u baahan doontaa kaliya inay afar dhibcood ka helaan saddexdaas ciyaarood, taas oo ka dhigan inay hal guul iyo mid barbarro ah u baahan yihiin si ay horyaalka ugaga guuleystaan Barcelona.

Toddobadii ciyaarood ee guulaha ahaa ee ay Los Blancos gaadhay intii horyaalka dib u bilaabmay, saddex ka mid ah waxay kusoo badiyeen 1-0, waxaanay taas uga mahad celiyeen difaacooda oo si wanaagsan u shaqaynayay oo afar ka mid ah kulamadaas aan wax gool ah laga dhalin.

Marka natiijooyinka labada kooxood ka keeneen min lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey, Real Madrid way soo wada guuleysatay dhamaan lixdii ciyaarood ee LaLiga ee ugu dambeeyey, waxaanay soo heshay dhamaan 18kii dhibcood ee ay u tartantay, laakiin Alaves ayaa kaliya heshay saddex dhibcood oo ah hal ciyaar oo ay guuleysatay iyo afar laga badiyey.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Real Madrid vs Alaves

Tartanka: LaLiga, kulamada 25aad

Waqtiga: 11pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Alfredo Di Stefano Stadium

Wararkii ugu dambeeyey ee labada kooxood

Madrid waxay kulanka caawa garoonka soo geli doontaa iyadoo qalalaase dhinaca difaaca  ah uu haysto, waxaana Zidane u taalla shaqo adag oo ah sida uu ku xallin karayo dhibaatadan.

Sergio Ramos iyo Dani Carvajal oo kaadhadh digniin ah qaatay daqiiqadihii ugu dambeeyey ee kulankii Athletic Bilbao ayaa seegaya ciyaartan, sidoo kalena waxa dhaawac ah Marcelo iyo Nacho.

Zidane ayaa haysta saddex difaac oo kaliya, kuwaas oo kala ah: Ferland Mendy, Raphael Varane oo kasoo laabtay dhaawac iyo Eder Militao, waxaana bannaan oo aan cidna loo hayn difaaca midig.

Difaaca midig ayaa la saadaalinayaa in Zidane uu ka ciyaarsiin doono Lucas Vazquez oo qayb ka noqon doona xalka dhibaatada, waxaanu hore sidan oo kale uga soo ciyaaray xili ciyaareedkii hore mar uu Carvajal dhaawac ku seegay kulan ka tirsanaa Champions League oo ay Bayern Munich iska hor yimaaddeen.

Warka wanaagsan ee uu Zidane haysto ayaa ah in kooxda uu kusoo laabtay Eden Hazard oo dhaawac kuraanta ah oo kusoo laba kacleeyey ciyaartii Espanyol kasoo doogay, waxaanu fursaddiisa ka raadsan doonaa haddii uu Zidane kula soo bilaabayo ciyaarta Karim Benzema iyo Vinicius Junior, Marco Asensio ama Rodrygo Goes.

Dhinaca kale, Alaves ayaa uu inta ka hadhay xili ciyaareedka uu dhaawac kaga maqnaanayaa Ruben Duarte, halka goolhaye Fernando Pacheco uu ku maqan yahay dhaawac muruqa ah oo aanay suurtogal u ahayn inuu caawa qabto goolka.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood

Real Madrid: Courtois; Mendy, Militao, Varane, Lucas Vazquez; Modric, Casemiro, Kroos; Vinicius, Benzema, Asensio

Alaves: Jimenez; Aguirregabiria, Laguardia, Magellan, Marin; Pons, Fejsa, Pina, Mendez; Joselu, Perez

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.