Hordhac: PSG vs. Bayern Munich – Finalka Champions League, Dariiqii Ay Usoo Mareen, Saadaasha Kulanka, Shaxaha Macquulka Ah & Wararkii U Dambeeyey

Garoonka Estadio da Luz ayaa nasiib u yeeshay inuu martigeliyo finalka Champions League ee xili ciyaareedkan, iyadoo aan hore loogu sii talo-gelin, magaalada Istanbul na ahayd halkii hore loogu qorsheeyey. Labada kooxood ee Paris Saint-Germain oo markii ugu horreysay finalka timid iyo Bayern Munich oo shan jeer koobkan kusoo guuleysatay ayaa caawa albaabada garoonkan quruxda badan la iskugu xidhi doonaa.

Labada kooxood waxay wareeggii semi-finalka min 3-0 kaga soo kala badiyeen RB Leipzig iyo Lyon, waxaanay muujiyeen cudud iyo awood weyn oo ay koox walba kusoo bandhigtay intii ay kusoo jirtay tartanka illaa marxaladihii ugu horreeyey iyadoo ay kooxda reer Germany tahay midda kaliya ee aan dhinaceeda dhulka lasoo dhigin, halka PSG ay wareeggii 16ka si silic ah kaga soo gudubtay.

Bayern Munich ayaa ku hamiyeysa inay soo qabato Liverpool oo lix jeer kusoo guuleysatay koobkan, kaddibna ay u xadhko xidhato AC Milan oo toddoba mar soo qaadday, intaas kaddibna waxa u hadhsanaan doonta Real Madrid oo kaliya oo 13 koob oo Champions League ah haysata.

Kooxda reer Germany waxay soo qaadatay xili ciyaareed aad u qurux badan oo ay kusoo guuleysatay dhamaan tartamadii ay kasoo qayb-gashay, waxaanay wareeggii siddeedda si fool xumo leh u garaacday Barcelona oo ay 8-2 kusoo jiidhay ka hor intii aanay Lyon 3-0 ku garaacin semi-finalkii.

PSG ayaa dhinaceeda geli doonta liiska kooxaha kusoo guuleystay tartankan haddii ay guul ka keento kulanka caawa, waxaanay noqon doontaa dhamaystirka mashruuca lacagta badan ay ku bixisay dawladda Qatar tan iyo sannadkii 2011. In ka badan 1 bilyan oo Gini oo lagu maalgeliyey kooxdan, waxay heshay qaar ka mid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan dunida, waxaana kaliya ka dhiman inay ku guuleysato tartanka Champions League.

Mulkiileyaasha PSG waxay si cad u sheegaan in Champions League uu yahay waxa ay ka doonayaan in kooxdoodu ku guuleysato, si sannad-guurada 50aad ee kasoo wareegtay waqtigii la aasaasay kooxda ay ugula dabbaal-degaan koobka ugu qiimaha badan naadiyada Yurub.

Kooxdan ka dhisan magaalada Paris, waxay kusoo guuleysatay 24 ka mid ah 28kii koob ee ugu dambeeyey ee gudaha waddanka Faransiiska, waana guul weyn oo kaliya ay ka dhiman tahay inay ku daraan tartanka Champions League, si ugu biiraan kooxaha haldoorka Yurub.

Maadaama xili ciyaareedkan ay kusoo guuleysteen Ligue 1, Coupe de France, Coupe de la Ligue iyo Trophee des Champions, waxa Neymar, Mbappe iyo xiddigaha kale taariikhda u geli doonta haddii ay ku darsadaan koobka ay caawa u halgamayaan. Waxa kaliya oo afar koob iyo ka badan xili ciyaareed kaliya ku wada guuleysatay Celtic xili ciyaareedkiii 1966-67 oo ay isku darsatay Champions League, horyaalka Scotlands iyo labada koob ee kale ee laga ciyaaro waddankaas.

Dhinaca kale, Bayern Munich oo toddobadii sannadood ee ugu dambeeyey si xidhiidh ah ugu guuleysanaysay tartanka horyaalka Bundesliga, waxay Champions League soo qaadday shan jeer oo hore, waxaanay raadinaysaa markii lixaad.

Xili ciyaareedkan, waxay Munich ahayd cudud la iska caabin kari waayey, waxaanay soo badisay dhamaan kulamadii Champions League bilowgii illaa finalka ay kasoo gaadhayeen iyagoo soo dhaliyey 42 gool, tobankii ciyaarood ee ay soo dheeleen oo ay 10 guulood kasoo hooyeen.

Barcelona ayay ku garaaceen 8-2, sidoo kalena Tottenham ayay 7-2 kusoo jiidheen halka Red Star Belgrade ay ku burburiyeen 6-0, waxa usii raacday Chelsea oo ay 7-1 kusoo xasuuqeen.

Gumaadkan ay soo geysatay Munich, waxay kusoo xidhay 3-0 ay ku karbaashtay Lyon iyo finalka oo maalmihii ugu dambeeyey ay si adag ugu tabobaraneen sidii ay PSG u raacin lahaayeen dariiqii Barcelona oo kale.

Marka la eego lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey Champions League, Paris Saint-Germain waxay soo badisay afar ciyaarood, mid laga badiyey iyo mid barbarro ah, laakiin Bayern Munich ayaa dhamaantood soo wada guuleysatay oo aan marna la qabanin.

Dariiqii labada kooxood usoo mareen finalka

PSG waxay wareeggii group-yada soo badisay shan kulan waxaanay ku bilowday Real Madrid oo ay 3-0 ku garaacday, ka hor intii aanay barbarro gelin kulankoodii labaad.

Natiijooyinkii PSG ee tan iyo bilowgii:

Heerkii Groups-ka: PSG 3-0 Real Madrid
Heerkii Groups-ka: Galatasaray 0-1 PSG
Heerkii Groups-ka: Club Brugge 0-5 PSG
Heerkii Groups-ka: PSG 1-0 Club Brugge
Heerkii Groups-ka:: Real Madrid 2-2 PSG
Heerkii Groups-ka: PSG 5-0 Galatasaray

Wareeggii 16ka: Borussia Dortmund 2-1 PSG
Wareeggii 16ka:  PSG 2-0 Borussia Dortmund

Wareeggii 8da: Atalanta 1-2 PSG

Semi-finalka: RB Leipzig 0-3 PSG

Sidaas oo kale, Bayern Munich ayaa dariiq qurux badan oo xataa ka wanaagsan midka labada jeer dhibaatada la kulmay ee PSG kasii wanaagsan ku jirtay. Waxay dhamaan soo guuleysatay kulamadeedii illaa laga soo gaadhayay finalka ay caawa ciyaarayaan.

Natiijooyinkii Bayern Munich ee tan iyo bilowgii:

Heerkii Groups-ka: Bayern Munich 3-0 Red Star Belgrade
Heerkii Groups-ka:  Tottenham Hotspur 2-7 Bayern Munich
Heerkii Groups-ka:  Olympiacos 2-3 Bayern Munich
Heerkii Groups-ka:  Bayern Munich 2-0 Olympiacos
Heerkii Groups-ka:  Red Star Belgrade 0-6 Bayern Munich
Heerkii Groups-ka: Bayern Munich 3-1 Tottenham Hotspur

Wareeggii 16ka: Chelsea 0-3 Bayern Munich
Wareeggii 16ka: Bayern Munich 4-1 Chelsea

Wareeggii 8da: Barcelona 2-8 Bayern Munich

Semi-finalka: Lyon 0-3 Bayern Munich

Xogta kulanka

Ciyaarta: PSG vs Bayern Munich

Tartanka: Finalka Champions League

Waqtiga: 10pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Estadio da Luz

Garsooraha: Daniele Orsato (Italy)

Wararkii ugu dambeeyey ee labada kooxood

Labada kooxoodba waxay kulankan usoo magacaabeen dhamaan ciyaartoygooda oo ku wada sugan magaalada Lisbon, waxaana PSG usoo laabtay goolhayahooda koowaad ee Keylor Navas oo dhaawac kasoo gaadhay kulankii Atalant.

Layvin Kurzawa iyo Idrissa Gueye ayaa la halgamaya dhaawacyo, waxaana laga shakisan yahay haddii ay taam u noqon doonaan inkasta oo tababare Tuchel uu niyad wanaagsan ku qabo inay jugaha aan weynayn ee soo gaadhay ka caafimaadayaan inta aan la gaadhin bilowga ciyaarta, laakiin kubbad-sameeye Marco Verrati oo dhaawac ahaa ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyey ee semi-finalkii lasoo geliyey, waxaanay taasi ka dhigan tahay inuu kusoo bilaaban doono ciyaarta caawa.

Icardi oo la  nasiyey ciyaartii Leipzig, isla markaana uu tababare Tuchel ku ciyaaray shax ka koobnayd 4-3-3 oo 9 been ah uu ka ciyaarayay Neymar, waxa la filayaa inuu kusoo laaban doono safka hore ee weerarka.

Dhinaca kale, Bayern Munich ayaa rajaynaysa in aanay waxba ka beddelin shaxdii ay ku ciyaartay semi-finalkii, balse difaaca Jerome Boateng oo jug soo gaadhay ayaa laga yaabaa inuu kaydka kasoo muuqdo.

Tababare Flick wuxuu haystaa Niklas Sule, Lucas Hernandez iyo Javi Martinez oo uu booska Boateng u kala dooran doono.

Shaxaha macquulka ah ee labada kooxood:

Paris Saint-Germain: Rico; Kehrer, Thiago Silva, Kimpembe, Bernat; Verratti, Marquinhos, Herrera; Di Maria, Neymar, Mbappe

Bayern Munich: Neuer; Kimmich, Boateng, Alaba, Davies; Goretzka, Thiago; Perisic, Muller, Gnabry; Lewandowski

SAADAASHA KULANKA:

Waxa la saadaalinayaa in ciyaartu noqoto mid adag oo ay labada kooxoodba guuleysan karayaan, balse waxay khubarada ciyaaraha intooda badan saadaalinayaan in Bayern Munich ay koobka qaadan doonto iyadoo ciyaartuna ku dhamaan doonta 3-2 ay Munich guusha la hoyan doonto.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.