Hordhac: Man United vs Tottenham | Ole vs Jose – Dagaalka Maanta, Taatikada Tababareyaasha Iyo Shaxaha Macquulka Ah

Jose Mourinho ayaa ku laabanaya Old Trafford oo ah garoonkii ugu dambeeyey ee uu tababaraha ka ahaa intii aanu Tottenham tegin, waxaanu dagaal kala hor tegayaa Manchester United isaga oo hoggaaminaya kooxdiisa sida weyn u hubaysan ee Spurs.

Manchester United ayaa ciyaartan tegi doonta kaddib laba guulood oo xidhiidh ahaa oo ay ka gaadhay Brighton oo ay ku kulmeen horyaalka Premier League iyo tartanka Carabao Cup, laakiin waxa uga sii horreeyey ciyaartii ay Crystal Palace guul-darrada weyn u xambaarisay oo wali aanay hadal haynteedii ka bixin warbaahinta.

Guushii ugu dambaysay ee riwaayadda ahayd ee Manchester United ay kasoo hoysay horyaalka Premeir League, waxay ahayd rikoodhe ciyaarta oo dhamaatay loo dhigay, taas oo siisay in ciyaarta oo maraysa 109 daqiiqadood uu Bruno Fernandes u saxeexo goolka guusha oo ciyaartana ka dhigay 3-2.

Tottenham ayaa dhinaceeda ay guusheedii ugu dambaysay ahayd rikoodheyaashii Carabao Cup ay kaga reebeen Chelsea ciyaar uu riwaayad dhigay Eric Dier oo musqusha tegay xilli ay difaaciisu sii bannaanaa oo Mourinho uu orod kaga daba galay si uu usoo dedejiyo, laakiin waxa uga horreeyey barbarro horyaalka ahaa oo Newcastle United ay wada galeen.

Spurs waxay kaga falcelisay barbarrahaas guul weyn oo 7-2 ah oo ay ka gaadhay Maccabi Haifa oo ay ugu soo gudubtay heerka groups-ka ee Euorpa League iyo guushii Chelsea ay kaga reebeen Carabao Cup.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer oo ay isagana u tahay kulankii saddexaad ee horyaalka Premier League ee xili ciyaareedkan ayaa hal guul iyo hal khasaare soo hooyey, waxaanu u dagaallami doonaa in guushiisii labaad uu helo, iyadoo waliba ay niyad-samaan ka heleen suuqa iibka oo ay heshiis laba sannadood ah la gaadheen weeraryahanka Edinson Cavani.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Manchester United vs. Tottenham

Tartanka: Premier League

Waqtiga: 6:30pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Old Trafford

Wararkii ugu dambeeyey labada kooxood

Harry Maguire ayuu shaki ku jiraa inuu ciyaari doono kulankan kaddib markii uu kuraanta dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii Brighton ee toddobaadkii hore, waxayse wararku sheegayaan inuu soo kabtay. Sidaas oo kale, Fernandes oo muruqa dhaawac fudud kasoo gaadhay ayaa shaki ku jiraa inkasta oo waqtiga uu nastay uu ku filnaan karayo inuu taam soo noqdo.

Marka laga yimaaddo labadan ciyaartoy, Solskjaer ma haysto wax walaac ah oo kale oo aan ahayn Phil Jones iyo Axel Tuanzebe oo ah xiddigaha kaliya ee ku hadhay liiskii dhaawacyada.

Marcus Rashford, Paul Pogba, Mason Greenwood, Anthony Martial, David de Gea iyo Fernandes (haddii uu taam noqdo) ayaa dhamaantood kusoo bilaaban doona kulankan iyagoo soo nastay ciyaartii Carabao Cup ee Brighton.

Dhinaca kale, Jose Mourinho ayay u dhan yihiin hubkiisu, waxaana u diyaar ah Son Heung-min oo kasoo kabanaya dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii Newcastle United, sidoo kalena Steven Bergwijn, Giovani Lo Celso, Harry Kane iyo xiddigaha uu inta badan ciyaarsiiyo tababaraha reer Portugal ayaa taam ah.

Laakiin Dele Alli oo xaaladdiisu xun tahay ayaan wax rajo ah ka qabin in kulankan uu kusoo biulaaban doono, sidaas oo kalena Gareth Bale ayaan wali diyaar u ahayn inuu ciyaaro.

Shaxaha macquulka ah ee labada kooxood

Manchester United: De Gea; Wan-Bissaka, Lindelof, Maguire, Shaw; Pogba, Matic; Greenwood, Fernandes, Rashford; Martial

Tottenham Hotspur: Lloris; Doherty, Sanchez, Dier, Davies; Hojbjerg, Winks; Lucas, Alli, Bergwijn; Kane

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.